Baarlamanka Masar oo soo jeediyay ansixinta qodob dhibaato weyn ku ah diinta

Qaahira (Caasimadda Online) – Soo jeedintan oo ay aad uga yaabeen dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Masar ayaa waxaa xillibaanada soo jeediyay kamid ah xillibaan Maxmuud Badar.

Xillibaannada ayaa dugsiyada Quraanka lagu barto ku sheegay meel laga soo saaro waxay ugu yeereen xagjirnimada, iyagoona usoo jeediyay wasaaradaha howshoodu tahay arimahaas iney albaabada isugu laabaan dugsiyadaas.

Qoraalka ay soo saareen xillibaanadan katirsan baarlamaanka wadanka Masar waxay ku sheegeen in manaahijta laga dhigo dugsiyadaas ay mamnuucayaan arimo badan oo ay igu u arkaan xalaal, sida heesaha, isdhexgalka ragga iyo dumarka iyo arimo kale.

Dadweynaha Islaamka ee ku kala sugan Daafaha adduunyada ayaa si weyn uga hor imaaday tallaabada ay soo jeediyeen baarlamaanka Masar oo ah mid aan laga fileyn.

Arintan ayaa muujineysa dagaalka lagu soo qaaday diinta islaamka iyo dadka muslimiinta ee kunool wadanka Masar, waxayna muujineysaa wejiga dhabta ah ee maamulka afgembiga uu hogaamiyo Siisi.

Siisi oo ahaa Taliyihii Ciidamada Xoogga Masar ayaa dalkaas afgambi ku qabsaday markii uu jagada ka xoogay Maxamed Mursal oo Maalin cad ay doorteen Shacabka Reer Masar.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com