Lacagta lagu helo shatiga gawaarida Soomaaliya oo meeshii u sareysay gaartay iyo rafaad dadka ka heysta

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawada Magaalada Muqdish iyo qeybo kamid ah Soomaliya ayaa ka cabanayo dhibaato xoog leh oo ka jirto qaadashada Leysinka Gawaarida ( Driver License).

Marka aad tahay Soomaali joogo Muqdisho oo rabo inuu sameysto ama qaato Sharciga wadista Ga9rwddtitggg  waarida waxaa sugeysaa dhib badan oo isugu jiro waqti iyo lacag aan caqli gal aheyn.

1)  80 Dollar oo aad siineyso Shirkadda qaadatay Qandaraaska bixinta Leysinada ee la yiraahdo Midnimo Driver

2) 70 Dollar oo ay qaadaneyso Wasaaradda Gaadiidka

3) 25 Dollar oo Dowladda hoose ay u qaadaneyso Caafimaad maris.

4) 10 Dollar oo la siinayo CID.

5) 30 Dollar Dhalasho iyo Sugnaan

Isku darka lacagahaas ayaa ah 215 Dollar.

Waxaa intaas kuu sii dheer inaadan waqti dhow ku heli karin adigoo marayo rafaad iyo Laaluush badan, wuxuuna Laaluushkaas ka bilowdaa Xarunta Midnimo Driver oo dadka ka qaadato lacago aan aheyn kuwa la isla ogyahay oo iyaduba ah mid caqli gal aan aheyn.

Marka aad booqato Xarunta Midnimo Driver oo ah Shirkadda bixiso Leysinada waxaa ku arkeysaa Boqolaal qof oo feel ugu jiro inay helaan sharcigaas, waxayna qaarkood kuu sheegayaan inay asbuuc ka badan meeshaas ku xayiran yihiin lagana rabo inay bixiyaan lacago Laaluush ah oo aan ku jirin kuwa Liiskaan ku qoran.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hor tageyso musuq maasuqa ka jiro Xarumaha Dowladda ayaan weli arrintaan soo faragelin.

In lacagaha waxa laga dhimo meeshii laga rabay Dowladda, waxay bilowday inayba kusoo kordhiso 25 Dollar ee kor ku xusan oo ay qaadaneyso Dowladda Hoose kadib marki ay sheegtay inay Caafimaad marin doonto Darawalada Leysinka qaadanayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com