Xog: Xasan Shiikh, Thaabit, Saabir iyo dhowr siyaasi oo la rab in magaca laga dilo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog hoose oo ay heshay caasimada Online ayaa sheegeysa in xafiiska Ra’iisul wasaare Kheyre uu wado qorshe la doonaayo in suuqa looga saaro dhowr siyaasi oo la aaminsan yahay iney shacbiyadoodu wali sareyso.

Sida aan xogta ku helnay Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaa raba inuu isu sharaxo doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee 2021, laakiin waxaa uu dareemaya dhowr siyaasi oo Hawiye ah oo culees badan ku ah damiciisa.

Kheyre, xubno xafiiskiisa ka tirsan oo uu ka mid yahay Yaxye Cali Hareeri iyo xildhibaano isaga taabacsan ayaa dhowaan ku heshiiyay in duulaan sumcad dil ah lagu qaado siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi, xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye iyo xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali.

Xubnahaan ayaa qorshahooda u isticmaali doona Hanti-Dhowrka guud ee Qaranka iyo kuxigeenkiisa waxaana ay sameyn doonaan baaritaano aan jirin waxaana dadka qaar lagu soo oogi doonaa kiisas musuq maasuq beenaad ah oo u badan lacago la xaday, dhul la boobay iyo shirkado heshiisyo sharci daro ah la siiyay.

Aragtidaan oo Ra’iisul wasaare Kheyre uu lee yahay ayaa lagu sal gooyay iney jiraan shacab badan oo aamini doona wax walba oo eedeyn ah xitaa hadii ay dadka qaar fahmaan iney arrintaan dagaal siyaasadeed tahay, waa sida ay Ra’iisul wasaaraha iyo saaxiibadii isku qanciyeen.

Xasan Sheekh ayaa dhowaan ku dhawaaqay xisbi cusub waxaana durba soo baxaya inuu yahay musharax madaxweyne ,tani waxaa ay culees ku tahay Xasan Kheyre waxaana hada koox xafiiska Ra’iisul wasaaraha ka shaqeysa loo xil saaray iney sameeyaan waraaqo been abuur ah oo u badan hanti la boobay oo lagu eedeynaayo Xasan Sheekh.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Dahir ayaa ka mid ah dadka loo isticmaali doono dagaalka cusub, kaas oo la sheegay inuu aqbaly howshaan.

Duqii hore ee Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed oo la aaminsan yahay inuu ku jiro damac weyn oo siyaasi ah lagana yaabo inuu tartamo 2021 madaama uu shacbiyad badan lee yahay, ayaa ka mid ah dadka la eedeyn doono si loo magac dilo, Thabit ayaa lagu heshiiyay in lagu eedeeyo dhul-boob iyo ku tagrifal hanti dadweyne.

Sidoo kale Saabir Nuur Lugeey iyo Cabduqaadir Cosoble ayaa iyagana la sheegay iney ku jiraan dadka lagu eedeyn doono gacan saar shisheeye iyo hub dalka la soo galiyay si sharci daro ah.

Dhamaan siyaasiyiintan oo kasoo jeeda beesha Hawiye ayuu Ra’iisul wasaare Kheyre u arkaa iney caqabad ku yihiin hamigiisa siyaasgiga ah madaama ay yihiin 4 siyaasi oo wali dadka Soomaaliyeed ka gadmaya damacsana iney tartamaan doorashada soo aadan ee 2021.

Hanti Dhowrka ayaa qaadan doona kaalinta eedeynta halka Xeer ilaalintu ay qaadan doonto doorka maxkamadaha ,waxaana ay tani noqon doonta arrin niyad jabisa shacabka Soomaaliyeed, oo horeyba aan ugu qanacsaneyn madax banaanida Hanti Dhowrka iyo xeer ilaalinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu dhowaan ka war helay qorshahan ay wadaan Ra’iisul wasaare Kheyre iyo saaxiibadiis waxaana uu isku dayay inuu hor istaago laakiin sida aan xogta ku helnay waa ku adkaatay inuu joojiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com