QM oo arrin xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya ku eedeysay IMAARAADKA

Dubai (Caasimadda Online) – TV-ga Aljaziira English ayaa daabacay in ay heleen warbixin aan wali la faafin oo uu diyaariyay guddiga cuna-qabataynta hubka u qaabilsan Qarmada Midoobay taas oo sheegeysa in baaritaan ay sameeyeen khubarro ka tirsan guddiga ay ku ogaadeen in Imaaraat-ku uu si qaawan ugu xadgudbay cunaqabataynya hubka ee saaran Soomaaliya.

Warbixinta Aljazeera heshay ayaa UAE ku eedeysay in Saldhig Milatari oo aan sharci ahayn ay ka dhisatay Berbera oo ka mid ah dhulka Soomaaliya ee maamulka Soomaaliland, sidoo kale waxaa guddiga warbixinta qoray caddeeyeen in hub iyo qalab ciidan oo aan sharciga caalamiga ah waafaqsanayn ay Imaaraat-ku ku daabuleen Saldhigaas.

Qoraalkan oo ah mid dheer sidoo kale waxa uu sheegayaa in Imaaraat-ku uu heshiiska Saldhiga la galay saraakiil ka mid ah maamulka Soomaaliland ee iskiis ugu dhawaaqay madaxbanaanida intii dagaalada sokeeye jireen, sidoo kale waxaa intaas dheer ayaa lagu yiri warbixinta in UAE ay maalgalineyso Dekadda Berbera oo u dhaw dalka Yamen halkaas ilaa 2015 Imaaraat-ku uu ka wado dagaalka isbaheysiga uu kula yahay Sucuudiga ee Xuutiyiinta ay kula jiraan.

Guddiga arrintaan baarayay ayaa sheegay in ay wax jawaab ah ka waayeen Soomaaliland kaddib markii ay weydiiyeen su’aal ah “ma u hoggaasantihiin cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya”?.

Dhinaca kale Imaaraat-ka oo uu guddigu arrintan wax ka weydiiyay ayaan bixin wax fahfaahin ah laakiin waxa ay kusoo goobeen jawaabtooda “Imaaraat-ku waxa ay heshiis la gaareen dhammaan madaxda dowlad goboleedyada heshiiskaas oo ku saleynsan awoodda dastuuriga ah ee ay u heystaan in ay goboladooda amni, xasilooni iyo barwaaqo gaarsiiyaan.

Bishii September 2017 ciidamada badda ee Puntland ayaa qabtay dooni siday hub oo ka timid Yamen kuna socotay Soomaaliya sidaas oo kale waxaa jiray hub u badan qoryaha fudud oo UAE ay soo galiyeen Soomaliya.

Guddiga caalamiga ah ee baaritaanka waday ayaa Danjiraha UAE u fadhiya Qaramada Midoobay Lana Nusseibeh oo ay su’aalo weydiiyeen waxa uu u sheegay in uusan ka faalloon karin ama uusan ka jawaabi karin su’aalahooda sababtoo ah warbixinta oo aan weli lama daabicin.

Golaha Amaanku ayaa Soomaaliya cuna-qabatayn dhinaca hubka ah kusoo rogay sanadkii 1992 si loo yareeyo dhibaatada dagaalada kaddib markii ay burburtay dowaddii dhexe ee Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com