Dhaqtar Hindi ah oo howlo caafimaad ka fulinaya isbitalka Kalkaal

Kalkaal specialist hospital oo kamid ah xarumaha Caafimaad ee dalka ka howlgala waxa uu bulshada Soomaaliyeed ogeysiinayaa in Isbitaalka uu iman doono dhaqtar u dhashay dalka Hindiya kaa oo fulin doono adeegyo caafimaad oo dalka dibadiisa loo aadi jiray.

Kalkaal Hospital oo tayo iyo qalab casri ah ku howlaga oo dhaqtarkan Hindiga ah dalka kuu keenay waxa uu ku takhasusay cudurada ku dhaca kilyaha kaadi mareenka iyo habtaranka raga.

Waxaana howlahan caafimaad ay ka bilaaban doonaan Isbitaalka 13/10/2018,  waxaana kamid ah xanuunada uu dhaqtarka daaweynayo: Daaweenta Dhalma La’aanta Ragga, Qaliinka Dhagxaanta Kilyaha Iyo Kaadimareenka, Qaliinka Qanjirka Burustaatada,  Furista Tubooyinka Kaadimareenka iyo Furista Tubooyinka Ugxaanta.

Isbitaalka Kalkaal ayaa ka mid ah isbitaalada ugu horreeyo xagga caafimaadka ee ku yaalla gudaha magaalada Caasimadda ah ee Mudisho.

FG: isbitaalku wuxuu kuyaalaa Magaalada Mogadishu isgoyska Banaadir Agagaarka Masjidka Cabdullahi Ciise

wixii faah faahin ah dheeri ah kala xiriir 0617633661/0617633662/699996665