Sawirro: Khasaaro intee la eg ayaa ka dhashay qaraxii maanta ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qarax gaari oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Qaraxa ayaa si gaara uga dhacay Isgoyska Ex Comtrol Afgooye kaa oo ka dhashay Khasaaro.

Qaraxa oo aad u xooganaa ayaa waxa uu ka dhashay miinada Dhejiska ee lagu xiro Gawaarida, iyadoo uu jiro Khasaare dhaawac ah oo soo gaaraya dadkii watay gaariga.

Gaariga ayaa xiliga uu Qarxaayay marayay kaalinta Shidaal lagu iibiyo oo halkaa ku yaala waxaana lahaa Gaariga qarxay Cabdullaahi Daahir oo ka mid ah Shaqaallaha gobolka Banaadir.

Laba kamid ah dadkii watay gaariga, ayaa dhaawac daran waxa uu ka soo gaaray qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.

Labadii qof ee dhaawacyada gaaray, ayaa loola cararay goobaha Caafimaadka, waxaana argagax uu la soo darsay dadkii ku ganacsanaya hareeraha wadada.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta durbadiiba tagay Ciidamada dowladda oo Kontoroolo badan ku leh nawaaxiga goobta qaraxa uu ka dhacay.