XOG: Sidee ayuu ku yimid safarka Kheyre ee Sacuudi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar aan horey loo shaacin maanta ku tagey dalka Sacuudiga, kadib markii boqortooyada dalkaas ay usoo dirtay diyaarad gaar ah.

Qoraal uu soo dhigay bog cusub oo uu twitter ka furtay ayuu Kheyre ku yiri “maanta waxaan u baxay dalka Scauudiga, oo aan booqasho rasmi ah ku tegi doono, kadib markii aan casuumad ka helay walaalaheen Sacuudiga. Waxaan kala hadli doonnaa xoojinta xiriirka labada dal”

Si kastaba, Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in safarka Kheyre uu yahya amid ra’iisul wasaaraha uu ka codsaday boqortooyada, oo muddo la sugayey.

Wasiirka warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle, oo horey u ahaa safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga, ayaa dhowaan safar qarsoodi ah ku tagey Sacuudiga, una gudbiyey madax dalkaas dalabka ra’iisul wasaaraha ee ah inuu doonayo inuu yimaado oo la kulmo boqortooyada, sida aan xogta ku helnay.

Sida ilo-diblomaasiyeed ay noo sheegeen, dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay wanaajiso xiriirka Sacuudiga, oo ay ku kala irdhoobeen markii ay diiday inay xulufada dalkaas ee Imaaraadka uu ku jiro la safato, kadib markii ay is-qabteen dalka Qatar.

Dowladda Soomaaliya ayaa rumeysan in Sacuudiga ka fikir dabacsan yahay Imaaraadka, marka ay noqoto xiisadda khaliijka, ayna suurt-gal tahay inay is-fahmaan labada dhinac, ayada oo dowladda ay joogteyn karto siyaasadeeda dhex-dhexaadnimo.

Bishii tagey, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa la saftay boqortooyada kadib markii ay is-qabteen dalka Canada, oo ku cambaareeyey dalkaas ku xad-gudubka xuquuqda aadanaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com