Saraakiishii DABAGEED u xirneyd oo si xoog ah lagu furtay kadib dagaal dhacay

Beledweyne (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiishii Nabadsugidda ee dhawaan lagu xiray Magaaladaas si awood ah lagu siidaayay.

Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugidda Hirshabelle ayaa weerar culus ku qaaday saldhiggii Booliska Baladweyne oo ay ku xirnaayeen Saraakiishaan.

Ciidamadaan weerarka qaaday ayaa lasoo sheegayaa inay gudaha u galeen Qeybta VIP-da ee saldhiggaas oo ay ku xirnaayeen Taliyihii Nabadusgidda iyo ku xigeenkiisa.

Ciidamada Nabadsugida ayaa si xoog ah kusoo furtay Cabdi Maxamed Cali taliyihii Nabadsugida Gobolka Hiiraan iyo ku xigeenkiisii Dhagaweyne kadib Mudo daqiiqado ah oo la sheegay in Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Xasilinta ee Magalada Baladweyne uu dagaal dhexmaray.

Labada Sarkaal ee Galabta sida xoogga ah lagu soo furtay ayaa waxaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo dhawaan xilkaan loo magacaabay.

Cabdi Maxamed Cali oo ah taliyihii hore ee Nabadsugida gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haatan xaaladooda ay wanaagsan tahay,isaga iyo ku xigeenkiisa,isla markaana ku sugan yihiin Goobtooda Shaqada.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Magaalada Beledweyne ee Xaruntaas ka taagneyd muran ku aadan Saraakiishaan uu xiray Guddoomiyaha Hiiraan oo u muuqdo inuu mar kasta qalalaaso ka dhaliyo Magaalada Beled-weyne waqti kasta oo xilkaas loo magacaabo.

Yuusuf Dagabeed ayaa sidoo kale xiray laba Shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle kuwaas oo la sheegay inay ka hor imaadeen lacag uu Guddoomiyaha kala bixi rabay Bankiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com