Baarlamaanka Galmudug Garabka Xaaf oo doortay Guddoomiye Baarlamaan

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo fadhigooda uu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay gelinkii dambe ee maanta doorteen guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi, kadib markii kal hore ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen guddoomiye Cali Gacal Casir.

Kulanka baarlamaanka oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxaa la sheegay inay xaadireen 137 mudane.

Musharaxiinta ku tartamay kursigan oo Saddex ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod, Xildhibaan Aadan Xaaji oo helay 37 cod iyo Xildhibaan Salaad Caynte oo helay 5 cod, wareegga Koowaad ee doorashada.

Wareegga Labaad inta aan loo gudbin ayaa waxaa tanaasulay labada musharax ee laga cod badiyay, waxaana sidaasi ay guddoomiye baarlamaan ugu doorteen xildhibaanada musharax Ismaaciil Cabdulle Axmad oo helay 93 cod.

Isla xarunta baarlamaanka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu dhaariyay Xildhibaan Ismaaciil Cabdulle Axmed oo xildhibaanada Galmudug garabka Dhuusamareeb u doortay guddoomiyaha baarlamaanka.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa laba u kala jabay qeybta ku sugan Dhuusamareeb waxa ay ka amar qaataan madaxweyne Xaaf, halka qeybta kale ee iyaguna ku sugan magaalada Cadaado ay hoostagaan madaxweyne kuxigeenka Maxamed Carabey.

Waxaa muuqata in dowladda federaalka gaar ahaan aqalka sare uu ku fashilmay inuu qaboojiyo xiisada u dhaxeysa madaxda sare ee Galmudug, maadaama weli ay taagan tahay arrinta ah inay xilka iska qaadaan iyo inay doorasho cusub sameeyaan madaxda Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com