DHAGEYSO Galka Baarista VOA: Baaritaan xanuun leh oo la xiriira qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – 14-ka October 2017-ka waa maalin xusuus iyo murugo ku reebtay Soomaalida. Waa maalintii babauur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa uu ku qarxay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi dadka ku dhintay iyo iyo kuwa ku dhaawacmay waxay gaarayaan 1000 qof. Guddiyada qaabilsanaa gurmadka iyo tabarucaadka waxay sheegeen inay diiwaan-geliyeen dhiamshada ugu yaraan 587 qof oo ku dhimatay qaraxaasi.

Waxaa kale oo guddiyadu aamisan yihiin in boqollaal ka mid ah dadka geeriyooday aan la helin maydkoodii ama laga helay wax aan badnayn, oo dadkii ay ka dhasheen iska sabreen.

Dadka nolol iyo geeri la lagu la’yahay ama la helay kaliya cadad ka mid ah jirkooda, waxa ay gaarayaan illaa laba boqol qof. Waxaa taas ka xanuun badan inay dadka dhintay ka tageen kumanaan caruur oo agoon ah, oo qaarkood iyo hooyo iyo aabe aan lahayn.

Dhinaca kale, caruurta agoonka ah ayaa weli aan helay kafaalad qaad nololeed, oo ay u sameeyeen dowladda federaalka, dowlado kale oo carbeed iyo hay’ado dadka caawiya.

Haaruun Macruuf ayaa barnaamijka Galka Baarista ku eegaya dhibaatada dadka aan weli helin maydkii ehelladooda inkastoo ay aamisan yihiin uun inay ku maqan yihiin masiibadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com