Somaliland oo war ka soo saartay dagaalkii xalay ee Tukaraq iyo hub casri ah oo Puntland ay adeegsatay

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa sheegtay in hal askari oo ka tirsan ciidamada Milatariga uu kaga dhintay dagaal ay sheegeen in xalay ku soo qaadeen ciidamada maamulka Puntland ee ku sugan duleedka Tuulada Tukaraq ee Gobolka Sool.

Wasiir  ku xigeenka wasaarada warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees ayaa sheegay in dagaal gaadmo ah ay ciidamada Puntland soo qaadeen, islamarkaana ay ka caabiyeen sida uu hadalka u dhigay.

“Sagaalkii habeenimo oo roob da’ayo ayaa ciidanka lasoo weeraray, khasaaraha naga soo gaadhay waa dhimasho hal askari ah, waala jabiyay ciidankii weerarka soo qaaday”ayuu yidhi Maxamed Muuse Abees.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Somaliland waxaa uu xusay in ciidamada Dagaalka kusoo qaaday ee Puntland ay adeegsanayeen hubka casriga ee lagula dagaalamo argagixisada, wuxuu xusay in Somaliland Fulisay xabad joojin ay wadamada beesha caalamka iyo Urur goboleedka IGAD dhex dhigeen ciidamada is hor fadhiya balse ay arrintaasi ka baxeen.

“Samirkii waa naga dhamaaday wax walba waanu ogolaanay laakiin waala joogsan waayay, Beesha caalamka iyo kuwa daneeya nabada waxaanu u sheegaynaa inaanaan maanta laga bilaabo dib ugu noqonay dagaal amma xabad joojin la sameeyo”ayuu yidhi wasiirka u hadlay Somaliland.

Somaliland iyo Puntland ayaa isku horfadhiya Tuulada Tukaraq ee Gobolka Sool taasi oo dhinac walba gooni u sheeganayo, waxaana hadda deegaankaasi ka taliya ciidamada Somaliland ee jooga Gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com