Shirkada Jubba Airways oo la timid Diyaarad  cusub oo ah nuuca Airbus + Sawirro

Shirkada Diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa la timid Diyaaradii ugu wayneyd ee Soomaaliya ka howl gasha kadib burburkii Soomaaliya.

Diyaaradan oo isbuucan soo caga dhigatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka mid noqonaysa Diyaaradaha badan ee ay leedahay shirkada Jubba Airways.
Diyaaradan oo ah  mid cusub   laguna sameeyey wadanka jarmalka ayaa qaada ku dhawaad 250 qof iyadoona ah Diyaarad casri ah oo la mida kuwa caalamka hada adeegsadaan,waana Diyaarad nuuceedu yaahy ah Airbus A321-231.
Shirkada Jubba ah oo ah  shirkad mudo badan ka shaqeynaysay Soomaaliya ayaa doonaysa inay adeega ay siiso macaamiisheeda ay kor u qaado iyadoona la filayo in mardhow ay shirkadu soo  kordhiso adeegyo cusub oo xaga duulimaadyada ah.
Diyaaradan ayaa Soomaaliya ku xiri doonta wadamo badan sida Kenya,Imaaraadka Sacuudiga iyo wadamo kale oo hada la qorsheynayo inay duulimaad cusub ka bilowdo.