15 dal oo ka jawaabay dilka Sacuudigu ay qirteen ee suxufi Jamal Khashoggi

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo ay dowlada Sacuudiga qiratay dilka Suxufiga maalmahaani la la’aa ee Jamal Khashoggi ayaa waxaa arrintaasi baaqyo kala duwan kasoo saaray wadamo dhowr ah.

Wadamadan oo gaaraya ilaa Shan iyo toban dal ayaa si mideysan ugu baaqay in si deg deg ah loo maxkamadeeyo shaqsiyaadkii soo abaabulay dilka Jamal Khashoggi.

Dilka Jamal Khashoggi, ayey wadamadani ku sheegen inuu noqon doono mid ay dowlada Sacuudiga ku weyso xiriirka kala dhexeeya.

Jeremy Hunt oo ah Xoghayaha arimaha dibeda Britain ayaa sheegay in ay ka taxadarayaan talaabada xigta oo ay qaadayaan,waxaana uu ku celiyay in ay waajib tahay in lala xisaabtamo kuwii ka danbeeyay.

Angela Merkel, oo iyana ah Hogaamiyaha Jarmalka ayaa sheegtay in aysan aqbali karin sheegashada sacuudiga,waxaana ay ku baaqday in la maxkamadeeyo shaqsiyaadka la baahiyay ee lahaa abaabulka iyo dilka qorsheysnaa ee Jamaal.

Madaxweynaha mareykanka Donald Trump oo ka hadlay ayaa sheegay in uu filanayay markii hore sharaxaada sacuudiga,waxaana uu tilmaamay in aan la aqbali karin waxa ka dhacay gudaha qunsuliyada.

Sidoo kale, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dowlada Sacuudiga ugu baaqay in maxkamad lasoo taago shaqsiyaadka lahaa abaabulka dilka Jamaal.

Hay’aduhu waxa ay dilka Jamaal ku sifeeyen mid arxan daro leh loo geystay saxafigan waxaana ay dalbadeen in uu cadaalada helo wariyaha la dilay.

Wadamada carbeed gaar ahaan kuwa xulufada la ah sacuudiga,sida imaaraadka ayaa si muuqata kaga hadlin dilka saxafigan,marka loo eegoo wadamada yurub iyo mareykanka.

Dilka saxafigaan ayaa dowlada sacuudiga waxay sheegtay in loo xiray 18 ruux oo ku lug lahaa sida ay qortay majalada The Washington Post.

Dhinaca kale, Dowlada Turkiga ayaa lagu wadaa inay soo bandhigto cadeymo rasmi ah oo muujinaaya qaabka uu u dhacay dilka Jamaal.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com