Bin Salman oo markii ugu horeysay la hadlay qoyska suxufi Jamal Khashoggi

Riyadh (Caasimada Online) – Laanta carabiga ee BBC-da ayaa shaacisay in Maxamed Bin Salmaan uu Khadka Telefoonka kula hadlay qoyskii uu ka baxay Saxafiga Jamal Khashoggi oo  magaalada Istanbuul ay ku dileen Sirdoonka Sacuudiga.

Bin Salman oo looga shakisan yahay inuu ka danbeeyay dilkaas, waxa uu qoyska uga tacsiyadeeyay inuu la qeybsanaayo xanuunka geerida.

Tacsiyadeynta dhaxalsugaha waxa ay kusoo beegan iyadoo Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga uu sheegay in Bin Salman uusan wax luga ku laheyn dilka Jamal Khashoggi.

Bin Salman waxa uu qoyska u sheegay inay wadan baaritano, balse ay ka tacsiyadeynayaan geerida xanuunka leh ee ku timid Jamal Khashoggi.

Dowladaha Britain, Jarmalka iyo Farance waxa ay si wada jira usoo saaren war-saxaafadeed ay ku canbaareynayan dilka Saxafiga, waxa ayna dowlada Sacuudiga ka codsadeen inay keento faahfaahin lagu qanco oo ku aadan geerida Saxafiga.

Haweeneyda Ra’isul wasaaraha ka ah dalka Jarmalka waxa ay ku dhawaaqday ineysan dowlada Sacuudiga ka iibin doonin wax Hub ah inta laga keenayo warbixin saxa oo ku saabsan dilka Jamal Khashoggi.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Sacuudiga waxa ay sabtidii qiratay dilka Jamal Khashoggi, iyadoo sheegtay in shaqada laga eryay Saraakiishii ku lug laheyd dilka.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
Caasimada@live.com