XOG: Diyaarad ciidamo iyo gawaari aan xabadu karin u sida musharax ay wadato DF oo gaartay Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in shalay halkaas ay gaartay diyaarad ciidamo iyo baabuurta aan xabada karin siday oo ka tagtay magaalada Muqdisho.

Gawaarida aan xabadaha karin iyo ciidamada la socday ee shalay Baydhaba tegay ayaa waxa ay horudhac u yihiin musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo isna maanta tegaya Baydhaba.

Laftagreen ayaa ah musharaxa ay si aadka ah u taageereyso dowladda federaalka Soomaaliya, ee ay dooneyso inay ku beddesho Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dowladda ay aad isku khilaafsan yihiin.

Qorshaha Laftagareen ayaa soo socday tan iyo markii dowladda Soomaaliya ku qancisay inuu xilka guddoomiyaha baarlamanka uga tanaasulo Cabdulqaadir Mursal, wareeggii labaad ee doorashada guddoomiyaha baarlamanka, isaga oo xilkan uu hadda doonayo loo ballan-qaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dhinac kale ka taageereysa agaasimihii hore ee hay’adda NISA, Xuseen Uur-Kuus, ayada oo badineysa fursadaha Shariif Xasan meesha looga saarayo. Si kastaba Uur-Kuus ayaan rajo badneyn marka la eego beesha uu kasoo jeedo.

Uur-Kuus waxa uu kasoo jeeda beelaha la isku yiraahdo Digil ee gobolka Shabeellada Hoose, oo aan saameyn badan ku lahayn siyaasadda Koonfur Galbeed, halka Lafagareen uu ka dhashay beelaha Mirifle ee ku badan Baay iyo Bakool, gaar ahaan beesha Xariin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com