3 qodob oo muujinaya inay Galmudug u baahan tahay in laga bad-baadiyo Xaaf

Waxaa sabtidii lagu doortay magaalada Cadaado Madaxweyne Cusub oo ay yeelato Galmudug, maamul uu ragaadiyey hoggaamiyeyaasha la doortay.

Waa markii saddexaad ee uu khilaaf soo kala dhexgalo xubnaha kala duwan ee Galmudug, iyada oo hore loo xalliyey kuwo hore sida kii kala dhexeeyey Ahlu Sunna iyo kii xigay ee Xaaf, Gudoomiyaha Baarlamaan Casir iyo Carabey u dhexeeyey.

Hase ahaatee, waxa ay u muuqataa in maamulka Galmudug uusan hadda la hayn daawo aan ahayn in dhammaan la kala diro hoggaankooda sare wax walbana hoos laga soo billaabo.

Sida ay qabaan, dadweynaha Galmudug waxa ay isku raacsan yihiin in Xaaf yahay XALKA ugu soo horreeya ee lagu dejin karo xaaladda  – Waa Xiliggii uu XAAF is casili lahaa.

Hadaba saddexdan qodob ee hoose ayaa muujinaya in Xaaf Oo Taga ay Xal U Thay Galmudug

1 – Waa Khilaafkii labaad ee uu Xaaf Abuuro

Axmed Ducaale Geele Xaaf oo markii la doortay loo arkayey hoggaamiye da’a ahaan weyn oo fahmi kara waxyaabihii dib u socodka ugu wacnaa maamulka, sixi doona ayaa aad uga soo hoos dhacay halkii ay bulshada ka filaysay.

Waxa uu abuuray khilaag isaga iyo ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka u dhexeeya kaddib markii uu gaaray go’aan uu kula saftay xulufada Sucuudiga kaddib markii dowladda dhexe dhex dhexaad noqotay. Waxaa ka horyimi go’aankiisa ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana halis gashay jiritaanka Galmudug.

Hase ahaatee, waa la xalliyey khilaafkaa, Xaaf-se ma weynaan!

2 – Sal U dhigiidda hay’adaha dowliga ah ee Galmudug waxa uu ka doorbiday colaadsiga dowladda dhexe

Tan iyo markii la doortay, Xaaf wali xiriir wanaagsan lama yeelan dowladda dhexe oo aysan Galmudug dhinac walba uga maarmin.

Galmudug waxa ay ka mid tahay Maamulada dhawaan dhismay una baahan taageero ka baxsan dhakhliga ay iyadu sameysan karto. Hase ahaatee, Xaaf waxaa seegtay in uu dowladda xulufeysto oo uu uga faa’ideysto in ay ka caawiyaan dhisidda haykalka dowladnimo ee Maamulkiisa waxa uuna ka doortay in uu ku xirto maamulo qaarkood gaamuray oo dano siyaasadeed ku hiifa dowladda.

2  – Xaaf Waxa uu horseeday kala aamin baxa qabaa’ilka wada dhistay Galmudug

Hoggaamiye Xaaf waxa uu abuuray dhaqan siyaasadeed oo shaki kala dhex galiyey beelaha waa weyn ee wada dhistay Galmudug.

Maanta, oo ay Galmudug u baahan tahay dhisme dhinac walba ah, waxaa muuqata in xaaladda jirta dib u dhac wax aan ahayn u keeneyn. In Carrabeey iyo Gacal Casir is xulufeystaan waxa ay daliil u tahay heerka kala aamin baxa qabaa’ilka wada dhistay Galmudug – Xaaf kama horreyn mushkiladdaas.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid