Erdogan oo ku dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee lasoo bandhigi doono natiijada iyo codka dilka Khashoggi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Dayib Erdogan ayaa sheegay in maalinta Tallaadada ee fooda nagu soo heysa ay shaacin doonaan faahfaahinta ku saabsan qaababkii kala duwanaa ee loo dilay Jamal Khashoggi.

Jamal Khashoggi ayaa bishan 2-da lagu dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istabbuul.

Erdogan waxa kaloo uu sheegay inuu sharxi doono sababaha 15-ka katirsan Sirdoonka Sacuudiga ku imaaden Istanbuul iyo 18-kii kale ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee lagu xiray Riyad.

Xubno Sacuudiyaan ah oo magacyadooda qariyay ayaa Wakaalada Wararka ee Reuters u sheegay in qaabka loo dilay Saxafiga uusan aheyn qaabka ay sheegtay dowlada Sacuudiga.

Illo wareedyadaasi waxa ay sheegen in Saxafigaasi lagu dilay ceeji iyo in lagu caburiyay neefta sidaana loo khaarijiyay.

Xubnihii Sirdoonka Sacuudiga ee fuliyay dilka Jamal Khashoggi ayaa qorsheynayay inay daroogo ku duran Suxufiga kadibna ay afduubtan laguna qariyo guri ku yaala magaalada Istanbuul, balse suxufiga oo iska cabin sameeyay isla markaana qeyla dhamiyay ayaa sababtay in la ceejiyo lana caburiyo si uusan u qeylin.

Warbixintu waxa ay sheegtay in mid kamida Sirdoonka Sacuudiga uu dilka kadib xirtay dharka Suxufiga kana baxay albaabka danbe ee Qunsuliyada si looga dhigo in halkaa uu ka baxay Jamal Khashoggi.

Dhinaca kale, Sanotor Bob Corker oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ahna madaxa guddiga xiriirka dibadda ee Golaha Kongariska Mareykanka oo la hadlay Telefeshinka CNN ayaa dhaxalsugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan ku eedeeyay inuu ka danbeeyay dilka Saxafiga Jamal Khashoggi.

Xigasho: Anadol