Ethiopia iyo ONLF oo kala saxiixday heshiis in badan la sugaayay (Faah-faahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegay in Heshiis qodobeysan ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka ah ee Ethiopia iyo Ururka ONLF oo horay uu uga dhexeeyay khilaaf.

Dowlada Ethiopia iyo ONLF ayaa heshiiska ku kala saxiixday magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea halkaa oo ay tiilay gogosha heshiisiinta labada dhinac.

Heshiiska labada dhinac ayaa dhigaaya in la hakiyo wax waliba oo dib usoo cusbooneysiinkara khilaaf iyo isku dhac dhexmara dowlada iyo ururka.

Heshiiska ayaa waxaa kamid ah in ururka ONLF uu danihiisa siyaasadeed ku gaaro hab nabadeed oo aan caqabad u horseedi Karin dalka.

Heshiiska ayaa sidoo kale faraya in labada dhinac ay sameeyan guddi isku dhaf ah oo baara wixii sababta u ahaa dagaalka iyo khilaafkooda.

Dowlada Ethiopia iyo ONLF ayaa heshiiska kadib si wada jira u sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan galiyo, iyadoo si wada jira looga shaqeynaayo inaanu burburin heshiiska.

Sidoo kale, Dowlada Ethiopia ayaa horay ONLF ugu dartay liiska Argagixisada kaddib markii sanadkii 2007dii ay 74- qof ku dileen dhul shidaal laga qodayay oo ku yaalla Gobolka Soomaalida.

Geesta kale, heshiiska labada dhinac ayaa soo degdegay kadib markii ay dowlada Ethiopia ay ogaatay in Gobolka Somalida uu ku jiro afar tiriliyan cubic oo Gaas iyo Oilyo ah,waxaana qandaraaska lagu baarayo heysata sharikadda laga leeyahay China.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com