Fiqi “Qoraalka wasaaradda wixii aan mooday iyo wuxa uu noqday waa kala laba”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee UPD ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii shalay ay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya kasoo saartay khilaafka dowladda federaalka iyo madax goboleedyada, oo uu ku tilmaamay qarow. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

QAROWGA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA.

Hurdo dheer oo muddo bila ah qaadatay wasaaraddii waa qarowday, war la fahmi waayayna waa ka soo baxey!

Markii Koobaad ee aan isha ku dhuftay warqadda wasaaradda waxaan iska dhaadhaaciyey “Xaalka Galmudug ka taagan ayey wasaaraddii aamusnayd afka ku furatay” mawqif la fahmi karana ka qaadattay, mase nasiib-darro waxeyba saaran yihiin mawjad kale oo hirarka dhaadheer ah, macquul ilama ahan in warkan aan waaqaca taagan ka turjumeyn in wasaaradda uu si caafimaad qabta uga soo baxey.

Sida magaca wasaaradda ka muuqata, waxaa la gudboonayd in ay qiyaasaan xaaladda taagan iyo heerkulku halka uu gaaray, oo aysan ku filnayn war saxaafadeed la soo saaro, balse kaalinta wasaaraddu uu ku fiicnaan lahaa in hogaamiyaasha dawlad goboleedyada ay xiriir toos ah la sameeyaan, uguna tagaan halka ay joogaan, soo dhagaystaan tabashooyinkooda. Xalna u helaan khilaafka taagan.

Haddii ay taasi dhici weyday, warqaddan ma waxaa loogu jawaabayaa hadalkii aqalka sare ka soo baxey ee ku wajahnaa madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ee jawaabta mudaysan looga sugayey, mise sidoo kale waxaa looga hor-dhacayaa waxa ka soo bixi doona shirka Garoowe uga socda madaxda dawlad goboleedyada. midka ay noqotaba waa fariin kadibtay.

Si kastaba wasaaradda aamusnaanteeda ayey ku roon tahay, haddii aysan si dhab ah umuuraha taagan kaalinta uga aadan uga qaadanayn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com