Wall Street Journal oo xog cusub ka baahiyey DILKA Khashoggi iyo safarkii uu Amiir Khaalid ku baxey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergay ka socda boqorka Sacuudiga ayaa waxa uu dhawaan booqasho xaqiiq raadis ah ku tagay dalka Turkiga, si uu u ogaado xogta ay baarayaasha Turkiga ka hayan suxufiga la dilay ee Jamal Khashoggi.

Wargeyska The Wall Street Journal ee kasoo baxa dalka Mareykanka waxa uu qoray in La-taliyaha khaaska ah ee boqorka Sacuudiga ahna guddoomiyaha Gobolka Makka Amiir Khalid Feysal uu socdaal ku tagay Turkiga isagoo soo dhageystay dhacdooyinka xaqiiqda ah ee qaabka loo dilay isla markaana loo jarjaray suxufiga Jamal Khashoggi.

Amiir Khalid ayaa la sheegay inuu dib ugu laabtay Sacuudiga isagoo madaxda boqortooyada u gudbiyay warbixinta ku aadan xogta uu kasoo dhageystay qaabka loo dilay Jamal Khashoggi.

Dhinaca kale, Madaxa guddiga arrimaha dibadda Kongareeska Mareykanka Senotor Bob Corker oo la hadlay Telefeshinka CNN waxa uu dilka Suxufiga ku eedeeyay inuu ka danbeeyay dhaxalsugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Senotorka waxa uu sheegay in Amiir Maxamed uu horay uga danbeeyay dilkii Ra’isul wasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq Xariiri.

Shabakadda Alaraby.co.uk waxay qortay in Amiir Maxamed Bin Salmaan uu Telefanka kula hadlay Jamaal habbeenkii uu ku sugnaa Qunsuliyada ka hor inta aan la dilin.

Sidoo kale, Wargeyska Yini Shafaq oo kasoo baxa dalka Turkiga waxa uu qoray in Amiir Bin Salman uu markii hore la hadlay Saraakiisha ku diyaarsanaa Qunsuliyada kuwaa oo Teleefanka u gudbiyay suxufiga la dilay ee Jamal Khashoggi.

Bin Salam ayaa waxa uu dilka ka hor Jamaal ku amray inuu kusoo laabto Sacuudiga waxaana arrintaas diiday Suxufiga iyadoo sidaa uu ku dhacay dilka.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa ka meermeeraya in boqortooyada Sacuudiga uu kusoo rogo cunaqabateyn, waxa uuna sheegay in go’aankaasi ay dhibaato ku tahay dalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com