Israel iyo qalabka bulshada jaajuusa (Dalal ay Carab ka mid yihiin oo isku haleeya)

Tel Aviv (Caasimada Online) – Jaraa’idka ka soo baxa Israel ee lagu magacaabo Haaretz ayaa daaha ka rogay sida ay Israel u noqotay wadamada ugu horreeya ee IIB GEEYA qalabka lagu basaaso bulshada rayidka ah. Qalabkaas waxaa adeegsada si ay u helaan xogta u dhaq dhaqaaqeyaasha bini’aadamka madaxda kalitaliyeyaasha ah oo kula socda Email-lada, ku jabsada Apps-ka sidoo kalena ku duubta sheekooyinka.

Sida ay uu qabo Wargeyska, muddo sanado guduhood ah, hay’adda mukhaabaraadka Israel waxa ay noqotay midda ugu horreeysa ee sameysa qalabka sirdoonka iyo isgaarsiinta ee aduunka.

“Maanta, warbixinta waxa ay intaas ku dartay, “Hay’ad walba ee dowli ah taas oo iyada isu daneysa oo aan qadarin u hayn sirta muwaadiniinta, waxa ay ku qalabeysan yihiin qalab mukhaabaraad oo ay sameeysay Herzliya Pituah.”

Haaretz waxa ay sidoo kale xustay in Wasaaradda Difaaca ee Israel in ay diiday soo bandhigidda liiska wadamada laga mamnuucay in loo dhoofiyo agabyada Militari ama tubaha iyo heerka ka horimaanaya go’aanadeeda” – xataa gudiyada baarlamaanka Israel (Knesset) ee Arrimaha Dibedda iyo Difaaca ma oga doorka ay Wasaaradda Difaaca ee Israel ku leedahay DHOOFINTA agabyada Militari.

Hal kiis oo 2016kii la horgeeyey maxkamadda, Madaxweynaha Maxkamadda Sare Justice Esther Hayut waxa uu u qiil yeelay dalabkii dowladda ee SIraha, waxa uuna yiri: “Dhaqaaleheena, sida dhacda, in yar xataa uguma tiirsana qalabka Militari iyo Mukhaabaraad ee aan dhoofinno.”

Baaritaanka waxa uu muujiyey in hay’adda Israel aysan ka caga jiidin ka iiinya Wadammo badan qalab ciidan kuwaas oo aan lahayn dhaqan Dimuqraadiyadeed, xataa iyaga oo aan xaqiijin  in loo isticmaalayo ku xagdugubka xuquuqda bulshada rayidka ah.

Baaritaanka sidoo kale waxaa lagu ogaaday in hay’adaha Israel ay wali wadaan iibinta qalabka mukhaabaraadka iyada oo waliba si shaaric ah banaanka loo soo dhigay in loo adeegsaday ujeedooyin gurracan.

Hay’adaha gaarka loo leeyahay ee Israel, waxaa lagu soo ogaaday baaritaanka, in ay qalabka mukhaabaraadka iyo Soft Ware-ro ka iibiyeen wadamada Bahrain, Indonesia, Angola, Mozambique, the Dominican Republic, Azerbaijan, Swaziland, Botswana, Bangladesh, El Salvador, Panama iyo Nicaragua.

Intaas waxaa dheer, baaritaanka waxa ay caddeeyen bilowgii warbixinta in sidoo kale hore sidaas oo kale looga iibiyey Wadamada to Malaysia, Vietnam, Mexico, Uzbekistan, Kazakhstan, Ethiopia, South Sudan, Honduras, Trinidad and Tobago, Peru, Colombia, Uganda, Nigeria, Ecuador iyo United Arab Emirates.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
Caasimada@live.com