Taniyo markii uu soo baxay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah bartamihii sanadkii tagay waxaa jiray siyaabo kala duwan oo ay beesha caalamka ula falgashay. Dalalka qaar ayaa garab istaag u muujiyay Dowlad Goboleedyada, halka kuwa kalena ay iska diideen tabashooyinka ay soo jeediyeen.
Isbadalka ku yimid Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo siyaasadaha isbadalay ee Gobolka, gaar ahaan Itoobiya, oo ay timid Xukuumad ka dhawrsanaysa faragelinta gudaha Soomaaliya iyo kalsoonida Baanka Adduunka, Hay’adda Lacagta iyo Midowga Yurub waxay soo xirtay daaqaddii yarayd ee u furnayd Dowlad Goboleedyada.
Haddaba, maxay yihiin sababaha u waaweyn ee ayt Beesha Caalamku ay u dhagaysan la’dahay cabashooyinka Dowlad Goboleedyada?
- Isla-xisaabtan ka carar: Dowladda dhexe ayaa dhawr jeer ka codsatay Dowlad Goboleedyada in ay xisaab xir kasoo sameeyaan kabidda lagu sameeyo miisaaniyadda ay Dowladda Federaalka ah ku taageerto iyo deeqaha kale ee la siiyo. Hufnaanta hay’adaha maaliyadda ee dalku ay u muujiyeen Midowga Yurub, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Baanka Adduunka waxay soo afjareen fursadihii ay Dowald Goboleedyada ku heli jireen lacago aan xisaab celin lahayn.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa doorkan ciyaaraysa kaalin firfircoon oo ay kula xisaabtamayso Beesha Caalamka maadaama dowladda ay kasoo dhalaashay kaalinteeda. Aragtida adduunyadu ka qaadatay Farmaajo iyo Khayre ayaa ka dhigaysa dowlad goboleedyada kuwa ka cararaya isla xisaabtanka ay dowladda dhexe dul dhigtay, doonayana in ay helaan xoolo aan xisaab la socon.
- Muddo Xileedka Dowlad Goboleedyada: Maadaama Dowlad Goboleedyada dhammaantood ay doorashooyin ka dhacayaan inta uusan dhammaan sanadka 2019, qaarkoodna ay maalmo qura ka dhimanyihiin sida Koonfur Galbeed, Dowlad Goboleedyadu waxay doonayaan in ay huriyaan dab u ogolaado waqti kororsi ama ay cadaadis ku saaraan dowladda dhexe in ay ayagu soo laabtaan. Taasi ma shaqeynayso sababtoo ah, Dowlad Goboleedyadu waxay bishii Juun , 2018 ku saxiixeen Baydhabo heshiis dhigaya in doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay ku dhacaan muddo xileedkii loogu tala galay
Inkastoo shirarka haatan socda iyo hadallada xanafta ah ay keentay qandhada doorashada, haddana Beesha Caalamka waa ka dharagsantahay in odayaasha Golaha Iskaashiga ay doonayaan in ay abuuraan jawi fowdo ah oo u saamaxaya in ay muddo xileedkooda ku darsadaan.
- Isbaddalka Geeska Afrika: Waxaa taniyo markii uu xilka yimid Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed gobolka ka dhacay isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ay dalalka Geeska ka wada qeyb qaadanayaan. Dowladda Soomaaliya waxay kaalin muuqata ka qaadanaysaa isbadalladaas in loo rogo fursado dhaqaale oo gobolka oo dhan uu ka faa’iideysto.
Isbadalladaas waxay soo afmeereen faragelintii ay Dowladaha Gobolku ku hayeen Soomaaliya ayaga oo usoo mari jiray Dowlad Goboleedyo careysan oo Addis Ababa u kala dhuuman jiray. Albaabkaasi waa soo xirmay, waxaase ku darsamay Kenya oo fahamtay in cidda kaliya ee masiirka ummadda Soomaaliyeed lagala hadli karo ay tahay Dowladda Dhexe oo kaliya keddib booqashadii uu Maadaxweyne Farmaajo ku tagay Nairobi markii la doortayba.
- Wada shaqeynta Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Barlamaanka: Waxyaabaha keeni jiray in ajnabi loo kala dhuunto waxaa kamid ahaa Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne is haysta. Farmaajo iyo Khayre waxay muujiyeen in ay wada shaqeyn karaan, Barlamaanka la falgali karaan, hay’adaha kale ee dastuuriga ahna dhidibada u adkeyn karaan.
Wada shaqeynta madaxda qaranka waxay fududeysay horusocodnimada dowladda, waxayna baajisay doorkii ay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo kan Urur Goboleedka IGAD ka qaadan jireen dhexdhexaadinta madax isku dhagan oo qoorta is haysta. Waxaa kale oo meesha ka baxay raggii ka macaashi jiray khilaafka Soomaaliya oo uu ugu horreeyay Col. Gabre.
Wada shaqeynta labada xafiis waxay muraayadaha ka dallacday dulduleeladii ay ka faa’iideysan jireen ajnabigii u kala dab qaadi jiray madaxda Soomaaliyeed.
- Taagerada Shacabka ee Dowladda Federaalka: Dowladda haatan jirta waxay abuurtay jawi ay shacabka Soomaaliyeed kalsooni kaga kasban karto. Booqashooyinkii ay ku tageen qeybo kamid ah dalka oo mararka qaar masaafooyin dhaadheer ay dhulka mareen waxay isu soo dhaweysay quluubta shacabka iyo Dowladda Federaalka. Puntland oo lagu tilmaamo hooyada Federaalka maanta dowladda dhexe waxay ku leedahay taageero shacab oo xooggan.
Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxay muujiyeen in ay ku qanacsanyihiin siyaasadda Dowladda Federaalka ayaga oo cod dheer ku tilmaamay in Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu uu yahay mid aan dastuuri ahayn oo loogu tala galay in lagu carqaladeeyo Dowladda Dhexe.
Gegagabdii, haddii Beesha Caalamku dareentay in Dowlad Goboleedyadu aanay ku socon jiho u hiilineysa dowlad dhisidda Soomaaliya oo dowladdii dhexe lagu aaminay dhaqaale, laguna garab istaagay taageero buuxda oo ay ka heleyso dalalka dariska, kuwa Qaaradda iyo Midowga Yurub, muxuu noqon doonaa mustaqbalka Dowlad Goboleedyada gadoodsan ee u hammuunta qaba muddo kororsiga, isla xisaabtan la’aanta iyo ajnabi jacaylka?
Jawaabta Shacabka Soomaaliyeed ayaanu u daayey.
Waxaa diyaariyey: Cabaas Cali Xasan
Email: filimside@gmail.com