Maxay Kenya Airways dib ugu dhigtay inay billowdo duulimaadkii Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida la filayay maalintii shalay ayay aheyd waqtigii loo balansanaa in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay bilowdo duulimaadyo toos ah oo ay isaga kala goosheyso Muqdisho iyo Nairobi.

Maamulka Diyaaradda Kenya Airways, ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen inay duulimaadyada ay si toos ah u bilaaban doonaan 5 December, laakiin ma aysan sheegin waxyaabaha keenay inay shalay “15 November” ka baaqdaan imaanshahooda Muqdisho.

Warar aan heleyno ayaa sheegay inay jiraan dhowr arimood oo ay kamid yihiin qiimeynta wali ay sameynayaan maamulka Shirkadda Kenya Airways, iyadoo sidoo kale ay qiimeynayaan rakaabka ay heli karaan, maadaama duulimaadkooda la filayo inuu joogto noqdo.

Shirkadaha Turkish Airline, Ethiopia Airline iyo Jabuuti Airways ayaa hadda duulimaad toos ah ku yimaada magaalada Muqdisho, waxaana hadda furmaya Suuqa Diyaaradaha Soomaaliya, maadaama isbadal amaan uu jiro.

Dhinaca dowladda Burundi ayaa hakisay qorshe ay u adeegsan lahaayeen duulimaadyada Tooska ee Kenya Airways, oo isaga kala gudbi laheyd Nairobi iyo Bujambuura, sida maamulka diyaarada ay sheegeen.

Sababo la xiriira Diyaaradaasi oo aan lahayn qeyb u gaar ah Madaxda iyo Ganacsatada ku safri lahaa Diyaaradda nooceedu yahay Jumbo Jet, Bombardier Dash 8 Q400 ayaa dowladda Burundi ay u joojisay adeegsiga diyaaradaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com