Walaaca laga qabo dib u dhaca doorashada K/G oo u xoogeystay hal arrin

Baydhabo (Caasimada Online) – Walaac xoogan ayaa laga muujinayaa in markii afaraad ay dib u dhacdo doorashada Koofur Galbeed oo seddex jeer oo hore dib u dhac uu ku yimid.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin dib u dhac markii Afaraad ku yimaada doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.

Doorashadaasi ayaa dib u dhacday 17 iyo 28-dii November iyo Shantii December ee sanadkaan, iyadoo haatan lagu balansan yahay inay dhacdo 19-ka Bishaan oo  Siddeed maalin ay ka harsan tahay.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa sidoo kale qaba walaaca dib u dhaca doorashada, iyaga oo u sababeynaya mooshinkaan cusub ee laga keenay madaxweynaha Soomaaliya.

Khilaafka cusub ee golaha shacabka iyo mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga baqayaa inuu saameeyo doorashada, maadaama laga mashquulayo arrimaha Koofur Galbeed laguna mashquulayo xal u helidda mooshinka.

19-ka Bishaan ayaa la filayaa inay doorashada ka dhacdo magaalada Baydhabo, haddii aan dib looga sii dhigin, waxaana wali musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha aysan la hadlin xildhibaanada dooran lahaa.

Marka Mooshin uu yimaado sidaan oo kale waxaa istaaga dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka hay’adaha kala duwan ee dalka, maadaama mar walbaa xalka mooshinka lagu mashquulo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com