Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ku kulmay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in siyaasiyiinta uu kula kulmay magaalada Muqdisho uu kala hadlay arrimo dhowr ah, isaga oo sheegay inay ugu weyn tahay xalinta dhibaatooyinka dalka ka jira.

Wuxuu sheegay in siyaasiyiinta waaweyn ee uu la kulmay kaga mahadcelinayo dadaalada ay ugu jiraan dhameynta dhibaatooyinka qaarkood maanta ka taagan dalka Soomaaliya, sida uu kusoo qoray bartiisa Facebook.

“Waxaa maanta igu soo booqday gurigeyga siyaasiyiin waaweyn oo reer Muqdisho ah Waxaana ka wada sheegakeysannay danta guud ee dalka iyo dadka. Waan uga mahadcelinayaa dadaallada ay ugu jiraan xal u helidda mashaakilaadka maanta taagan qaarkood”ayuu yiri Xasan Sheikh Maxamuud.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kamid ah xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, waxaana uu marar badan magaalada Muqdisho ka sheegay dhaliilaha dowladda leedahay.

Waxaa haatan taagan buuq badan oo ka dhashay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo ay u badan tahay inay arrimaha mooshinka ka wada hadleen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com