Faarax C/Qaadir: Waa laga gudbay xiligii qoriga iyo xooga wax lagu xallin jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faarax Sheikh C/qaadir oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa si dad ban kaga hadlay khilaafka ka taagan golaha shacabka dhexdiisa.

Xildhibaanka oo ka qeyb galayay soo dhaweynta hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in laga gudbay xiligii awooda iyo xooga lagu xukumi jiray dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya laga soo maray dhibaatooyin badan oo u baahan inaan dib loogu laaban, isaga oo ka digay in dhibkii badnaa ee laga soo gudbay inaan dib dalka loogu celin.

“Ujeedada maanta aan halkaan iskuugu nimid ayaa ah inaan muujino in dalkaan uu yahay dal xor ah, dadkana wada leeyihiin, sanad ka hor dhibaato xun oo lagu weeraray C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho”.

“Dalkaan qofkii xabad lagu tuuraba hadduu iska cararayo meeshaan masoo gaarneen, waxaan jeclahay inaan fariin dhab ah u dirno dadka doonayo in xabad xalka lagu gaaro, waa laga soo gudbay waxaa, waxaan ku joognaa oo aan wada leenahay dalka, Dastuurka iyo Sharciga”ayuu yiri Faarax Sheikh C/qaadir.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo si toos ah kaga hadlin marxaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa sheegay inuu ka digayo in dalka dib loogu celiyo xiliyaddii adkaa ee laga soo gudbay.

Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ah ayaa ka qeyb galay soo dhaweynta Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com