Sadex arrin mid oo xigi kara kadib markii la sheegay in MOOSHINKA uu jabay

Sida uu sheegay xoghayaha joogtada ah ee baarlamanka, waxaa buray ama meesha ka baxay Mooshinkii 9-kii bishan laga keenay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed-ka oo uu ku saxiixan yahay xogyaha Baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa lagu sheegay in 14 xildhibaan oo saxiixooda laga been abuurtay ay ka bexeen Moshinka taas oo ku soo koobtay tiradii 92 ahayd 78 aan Kooramka Dastuur ahaan buuxineyn.

Hadaba su’aalaha la’is weydiinayo ayaa ah, maxaa xigi doona hadalka Buux haddii uu dhab noqdo oo uu mooshinka sidaas ku burbro.

1 – In uu is-casilo Gudoomiye Mursal

Caadiyan siyaasadda waxaa xeer u ah in marka la dagaalamo qolo laga adkaado taas oo horseedda in kooxda guuldarreysata ay is casisho.

Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa sidii  ay ku bexeen hoggaamiyeyaal badan oo uu ugu dambeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Britain David Cameroon oo xilka banneeyey markii looga adkaaday codbixintii ka bixista UK oo uu isaga ka soo horjeeday.

Maadama Gudoomiye Mursal sida muuqata looga adkaaday Mooshinkii uu qabtay, dalka khalkhalka siyaasadeed ku galiyey waxa dhici karta in uu is casilo.

Sababta ugu weyn ee keeneysaa in uu hoggaamiyaha is casilo waxaa weeye in wajigii quruxda badnaa ee lagu wada shaqeeyey meesha ka bexeyso iyo siyaasadiisii uu noqoneysa mid aan gadmeyn ama macno yeelan doonin.

2 – Mooshin in laga keeno Mursal

Waxaa dhici karta in Mooshin laga keeno Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan kaddib buritaankii ku yimid, sida la sheegayo, kii uu isaga ka qabtay Madaxweyne Farmaajo.

Caadiyan, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ma aamini doonaan Mursal mar dambe waxaana meesha ku jirta in ay kala dhinteen labadiisa ku xigeen.

Maadama ay halkaas hawsho mareyso, waxaa imaan karta ama uu xaalka ku dambeyn karaa in Mursal uu maro wadaddii Gudoomiyhii isaga ka horreeyey ee Jawaari maray.

3 – Dowladda Dhexe oo go’aan ka duwan kii hore ka qaadatay doorashada Koonfur Galbeed

Sida cad, xiisaddan taagan waxyaabaha dhaliyey waxaa qeyb ka ah xiisadda doorashada Koonfur Galbeed oo ay dowladda dooneyso in ay saameyso.

Iyada oo ay taas jirto, hadana dowladda markii hore qaab dagan ayey u mareysay arrintaas taas oo keentay in ay ku daba dheeraato, hase ahaatee, si ay uga gaashaamato in buuq kale ku furo iyada oo lagu jiro qaban qaabanada doorashada, waxa ay si toos ah oo aan gambasho lahayn u faragalin doontaa doorashada si ay u keento musharaxa ay dooneyso in uu bedelo Shariif Xassan Shikeh Aadan.

Tallaabadan dowladda waxa ay ka caawin doontaa in ay meel isaga xirto kiiskaas Koonfur Galbeed oo ay gacanna ku dagaalanto mucaaradka Muqdisho la jooga, gacanna maamulada kale.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid