Trump: Arrin aanan waligey horey u arkin ayaan kala kulmay diyaaraddii aan ku tagay wadanka Ciraaq

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo marwada koowaad ee dalkaas Melania Trump ayaa booqasho aanan la shaacin waxa ay ugu tageen ciidammada Mareykanka ee ku sugan waddanka Ciraaq.

Waxa ay halkaas u safreen “xilli dambe oo ka mid ahaa habeenkii loo dabaaldegaayay munaasabadda Kirismas-ka” si ay ciidammada uga mahad celiyaan “adeegooda, guushooda iyo sida ay naftooda u hurayaan”, sida uu shaaciyay Aqalka Cad.

Mar ay suxufiyiinta nooca uu safarkiisa ahaa iyo inuu walaacay ayuu Mr Trump ka sheekeeyay waxa uu kala kulmay duulimaadkii uu ku tagay Ciraaq, wuxuuna ku tilmaamay kii ugu yaabka badnaa abid.

“Haa waan walaacay waxaana u walaacay xaaladda kooxda madaxweynaha, waliba ugu horreyn aniga nafteyda uma baqin waxaan u walaacsanaa marwada koowaad”.

Wuxuu sidoo kale sheegay iney xaalad adag kala kulmeen diyaaradda.

“Arrin aan waligey horay u arkin ayaan kala kulmay diyaaraddii aan ku tagay Ciraaq. Waxay ahayd diyaarad mugdi ah, dhammaan daaqadeheeda la daboolay, bannaankana aan wax nal ah ka daareynin”.

“Waxaan raacay diyaarado fara badan oo nooc walba iy cabir walba leh, waligeyna ma arkin waxaan oo kale”.

Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanku uusan qorshaynayn inuu isaga baxo waddanka Ciraaq.

Safarkan ayaa yimid maalma uun ka dib markii uu iscasilay wasiirka Gaashaandhigga ee Mareykanka Jim Mattis, kaas oo xilkiisa ka tagay markii ay madaxweyne Trump isku maandhaafeen istiraatiijiyaddiisa gobolka.

Mareykanka weli waxaa dalka Ciraaq ka jooga ilaa iyo 5,000 oo askari oo dowladda dalkaasi ka taageera dagaalka ay kula jirto haraadiga ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxaa la baajiyay kulan la qorsheeyay inuu dhexmaro Mr Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi. Xafiiska Mr Mahdi ayaa sheegay in arrintaasi ay timid kaddib markii la isku afgaran waayay sida shirka loo qabanayo. Kulanka badelkiisana waxa ay labada hogaamiye kuwada hadleen khadka taleefanka, saraakiisha ayaa intaasi raaciyay.

Booqashada Mr Trump ayaa waxa ay qaadatay ilaa iyo saddex saacadood. Markii uu Mareykanka dib ugu laabanayayna waxa uu ku yara hakaday saldhigga ciidammada cirka ee Ramstein ee dalka Jarmalka, halkaas oo uu kula kulmay ciidammo badan oo Mareykan ah.

Maxaa dhacay intii ay socotay booqashada Trump?

Mr Trump, xaaskiisa iyo Lataliyihiisa Arrimaha Ammaanka John Bolton ayaa tegay saldhigga cirka ee Al-Asad ee galbeedka magaalada caasimadda u ah dalka Ciraaq ee Baqdaad, si ay halkaas ugula kulmaan ciidammada Mareykanka ee jooga.

Waxa ay aheyd booqashadii ugu horraysay ee uu Trump gobolka ku tego.

Inta ay booqashada socotay waxaa Trump si wanaagsan u soo dhaweeyay ciidammada oo u istaagay markii uu soo galay hoolka lagu cunteeyo, Trump-na waxa uu gacan qaaday askarta, oo qaarkood ayuuba sawirro la galay.

Trump muxuu sheegay?

Madaxweyne Trump waxa uu sheegay in sababta uu saldhiggiisa u booqday ay aheyd inuu askarta Mareykanka uga mahadceliyo sida ay gacanta uga gaysteen in laga adkaado ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah, waxa uuna intaasi ku daray: “Laba sanadood ka hor markii aan noqday Madaxweynaha kooxdu waxa ay aheyd koox xoog badan, maantase awood ma ay laha. Shaqo wanaagsan ayaad qabateen.

“Qaran ahaan markale ayaa nala ixtiraamaa.”

Mr Trump waxa uu sheegay in Mareykanka uu Ciraaq u adeegsan karo saldhig wax laga weerari karo haddii “aannu doonayno inaannu wax ka sameyno gudaha Suuriya”, waxaa sidaasi ku warramayso wakaallada wararka ee Reuters.

Inta ay socotay booqashada waxa uu difaacay go’aankiisa uu ciidammada Mareykanka uga saarayo waddanka Suuriya isagoo yiri: “Bilowgiiba waan qeexay in howlgalkayaga gudaha Suuriya uu ahaa inaannu burburino goobaha ay ku xooggan yihiin Daacish.

“Sideed sanadood ka hor, waxaannu halkaa u tegnay inaannu joogno saddex bilood mana aynaan ka soo bixin. Haatan, sida saxda ah ayaannu sameynay wanaan soo gebagabaynaynaa arrintaasi.”

Xigasho: BBC Somali