26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Dhageyso: CC Shakuur oo jawaab ka bixiyey arrintii ay maanta ku sameysay DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka hadlay ishor istaagii lagu sameeyay siminaar uu maalintii seddexaad maanta ku qaban rabay Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa si adag kaga hadlay waxyaabaha keenay in ciidamada booliska hor istaagaan siminaarka uu u qabanayay magaalada Muqdisho.

Isaga oo ka hadlay xisbiga ayuu sheegay in Xisbiga Wadajir uu yahay mid ka diiwaangashan dhanka dowladda Soomaaliya, laakiin siminaarkii maanta uu yahay mid si awood ah looga joojiyay.

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Mr Warsame ayaa ka dalbaday guddiga doorashooyinka qaranka inay arimahaasi soo farageliyaan, maadaama xisbiga ay iyaga diiwaan geliyeen.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in xafiiska madaxweynaha Soomaaliya laga soo bixiyay amarka maanta looga hor istaagay siminaarkii uu ku qaban lahaa hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka dhageyso codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News