Gaas ma joojin faro-gelintii dowladda dhexe, waxaa loo adeegsaday xeeladan

Su’aalo badan ayaa ka dhashay sababta dowladda si muuqata, ugu faragalin weysay doorashada ka socota Puntland.

Waa weydiimo sax ah marka la fiiriyo sida ay dowladda u waajahday Koonfur Galbeed iyo sida ay ula dhaqmeyso maamulka Galmudug.

Sidee lagu ogaan karaa ama bulshada inteeda badan ku dareemi kartaa doorka dowladda ee doorashada Puntland mar haddii xukumaddii laga mamnuucay tegitaanka Garowe?

Go’aankan ee uu qaatay Gaas ayey dad badani u muuqatay in la’isweydiiyo su’aasha kore balse waxaa xaqiiq ah in Cabdiweli Gaas uusan horjoogsan faragalinta doorashada Puntland ee ay waliba ku dooneyso in ay isaga xididada ugu siibto.

Waxaa tusaale lagu qaci karo ah, wali ma cadda shaqsiga dowladda dooneyso in uu uga soo boxo doorashada, maalin walba qof hor leh ayaa laga shakiyaa! Waa hubaal la oga!

Taas oo ay jirto, dowladda waxa ay sicir barar ku riday tirada musharixiinta u taagan xilalka Madaxweyne iyo ku xigeen oo waxaa berri loolami doona 32!

Gaas ma oga meesha laga xigo, musharax walba hore ayuu u soo qaatay jiscinkiisa, ama isagu ha wato ama haka helo Nabad iyo Nolol!

Garowe waxaa ku sugan Faroole oo aan la tusin Gaas, uga awood badan magaalada! Kuma dhaco in uu is hortaago haddii uu BILYAN DOOR maalin cad ku qeybiyo barxadda Garowe!

Tan kale, go’aanka uu Wasiirada ugu diiday Garowe waxa uu soo baxay xilli uu gaaray musharaxa ugu maqcuulsan ee looga shakin karo dowladda – Dr. Cali Ciise Cabdi! Ogow, waa suurtagal in musharaxan isaga loogu been guuray oo ay rag kale xilli hore adeegteen!

Dhammaan qodobadaas waxa ay kuu caddeyayaan in Cabdiweli Gaas is hortaagin faragalinta dowladda dhexe, awoodna u lahayn balse uu laadkiisii ugu dambeeyey darbo ku dhufta! Yacni cidna wax yeelin in ay isaga uun magac xumo u soo jiiday mooyee!

W/Q: Xuseen Muuse Guuleed
Nairobi, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid