Waa Kuma shaqsiyaadka loogu hadal heynta badan yahay xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland

Garowe (Caasimada Online)-Inka badan 10 Musharax ayaa u taagan xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland, waxaana jira shaqsiyaad aad loogu hadal badan yahay doorashada madaxweyne ku xigeenka.

Saacadihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo shaac baxay shaqsiyaad loo saadaalinayo doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland, kadib kulamo isdaba joog ah oo ilaa xalay ka dhacayay magaalada Garowe.

Seddexda ruux ee loogu hadal heynta badan waxaa ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka waqtiga uu ka dhamaaday C/Xakiin Cabdullaahi Cameey oo taageero ka helaya dhanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa ku xiga musharixiinta kala ah Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde oo ah shaqsiga aadka loogu saadaalinayo xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland.

Musharax madaxweyne  ku xigeen Axmed Karaash ayaa ah ruuxa seddexaad ee aadka loogu hadal hayo xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland.

La soco doorashada Puntland
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com