Seddexda Musharax ee loogu hadal heynta Badan yahay doorashada Puntland

Garowe (Caasimada Online)-Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya inay socoto qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha maamulka Puntland oo inka badan 20 musharax ay ku tartamayaan.

Waxaa soo baxaya in xalay aysan hurdo helin musharixiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka Puntland, waxaana socotay kala xodxodashada codadka xildhibaanada baarlamaanka.

Waxaa durba soo shaacbaxay shaqsiyaad loo malaynayo inay noqon karaan madaxweynaha shanta sano ee soo socota, waxaana dadka la hadal hayo lagu qiimeeyay awooda ay ku dhexleeyihiin baarlamaanka.

Musharixiinta qaar ayaa lagu eedeynayaa inay taageero dhaqaalo ay ka heleen dowladda Soomaaliya, islamarkaana xalay ay heleen taageerada ugu badan ee xildhibaanada baarlamaanka Puntland.

Musharixiinta ugu hadal heynta badan ayaa kala ah Eng Maxamuud Khaliif Xasan Jabiye oo ah ruuxa loogu saadaasha badan yahay, maadaama lagu tiirinayo inuu dhaqaalo badan ka helay dowladda Soomaaliya.

Waxaa kusoo xiga Dr Saciid Deni oo ah shaqsi awood badan ku dhex baarlamaanka, waxaana u tanaasulay musharixiin badan.

Sidoo kale ruux sedexaad ee loogu hadal heynta badan yahay doorashada Puntland ayaa ah Faarax Cali Shire.

La soco doorashada Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com