Deni mid C/llaahi Yuusuf ha uga daydo midna ha uga duwanaado kuwii kale

Laba maalin ayaa laga joogaa kaddib is bedelkii ka dhacay maamulka Puntland.

Saciid Cabdullaahi Deni oo muddo 30 sano ah halgan siyaasadeed ku soo jiray ayaa bedelay Cabdiweli Cali Gaas oo 5tii sano ee u dambeeysay majaraha u hayey Puntland.

Hase ahaatee, su’aasha la is weydiinayo ayaa ah muxuu Deni ka bedeli doonaa habdhaqankii Puntland ku soo dhaqmeysay 20kii sano ee ay jirtay.

Deni wax badan oo caqabado ah ma horyaalaan maadama uu qabanayo maamul afar Madaxweyne uga horreeyeen, kaliya waxaa laga rabaa in uu mushaharaadka  shaqaalaha rayidka ah joogteeyo, ciidamada dib u hayan ku sameeyo oo uu mushaarkooda meel saaro, xal waara u helo amni darada Bosaaso oo uu doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyo Puntland.

Dhamaan qodobadaas waxbaa ka bilaaan oo isaga kaliya wax ku darid iyo dhammeystir ayaa laga rabaa.

Hadaba, waa maxay qodobka ugu weyn ee ay Soomaali oo dhan isha ku hayso?

Doorashadii Puntland salaasadii ka dhacday waxa ay saameyn weyn ku lahayd Soomaaliya, gobolka iyo caalamka oo dhan taas waxaa tusaale u ahaa sidii xamaasadda lahayd ee loola socday.

Deni waxaa la rabaa ama Puntland iyo Soomaaliya oo dhan ka sugeysaa in uu hagaajiyo xiriirka waligiiba xumaa ee Garoowe iyo Muqdisho.

Tan iyo markii uu Cabdullahi Yusuf (AUN) ka tagay Puntland, dhammaan madaxdii soo martay waxa ay laf dhuun gashay ku ahaayeen dowladnimada Soomaaliya iyaga uu xifaaltan kula jiray raga Villa Soomaaliya joogay.

Waxaa ugu dambeeyey Cabdiweli Cali Gaas oo gaarsiiyey heerkii ugu xumaa abid.

Dhaqankaas Puntland kuma ekaan oo xataa waxaa sidaas u dhaqmay maamulada kale, horaa Soomaali ugu maahmaahday ‘Ratiga dambe ratiga hore saan qaadkiisa ayuu leeyahay!’

Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni waxaa habboon in uu Cabdullahi Yusuf (AUN) uga daydo ku dhaqanka mabaa’diidii Puntland loo dhisay oo ahayd in marka hore iyaga ku kala badbaadaan oo ay nolol horumar leh ku noolaadaan iyo in lagu raadiyo dowlad Soomaaleed oo hana qaada, taas wey dhacday oo Puntland waxa ay noqotay budhigga Federaleenta dalka.

Tusaale wanaagsan waxaa kuugu filan, Cabdullaahi Yusuf (AUN) markii loo dhaarinayey xilka Madaxweyne ee Puntland waxa uu ku dhaartay “Ku dhaqanka dastuurka maamul gobolleedka Puntland” halka kuwii ka dambeeyey oo uu ku jiro Deni marka laga reebo Cadde Muuse (AUN) oo aan ka warqabin ay dhammaan ku dhaarteen (Dowladda Puntland) taas  waxa ay caddeyn u tahay sida Cabdullaahi Yusuf u ilaalinayey mabaadi’dii loo aas aasay.

Deni waa in uu kala gartaa kuna dhaqmaa waxa ay dowladda dhexe xaqa u leedahay iyo waxa uu dastuurka u gaar yeelayo Puntland oo uu meesha ka saaraa danihii gaarka ahaa ee madaxdii ka horreysay xadka ka saarayey.

Arrintaas oo uu fuliyo waxa ay dhaxalsiin doontaa in uu halyey u noqdo Soomaaliya oo dhan, berrina isu soo taago isaga oo la jecelyahay xilka ugu sarreeya ee dalka.

Ma aha in uu qaado tallaadii Soomaali iyo Puntland-a hoojisay ee kala irdheynta umadda.

Deni waa in uu ka fogaadaa hadaladdii xanafta lahaa ee ka soo yeeri jiray kuwii ka horreeyey madaxdii ka  horreeysay iyo xiriir u jarkii joogtada ahaa ee dowladda dhexe. Taas haddii uusan uga dayan Gaas iyo kuwii ka horreeyey, Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu noqon doonaa shaqsi ka qeyb qaata dib u curashada qaran Soomaaliyeed oo sumcad dunida ku leh.

W/Q: Mahad Axmed Warsame
Garoowe, Puntland, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid