26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Maxay ka dhiggan tahay gaadiidkii ay DF Somalia ka heshay dowlada Qatar?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo Shaki badan la gelin karo cusboonaanta gaadiidka ayaa haddana dowladda Qatar waxay dowladda Soomaaliya ku wareejisay ku dhawaad 70 gaadiidka dagaalka.

Gaadiidka dowladda Qatar ku wareejisay dowladda Soomaaliya ayaa ka dhigan inay buuxisay booskii Imaaraatka carabta oo gaadiidka noocaan oo kale ah ku wareejin jirtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa hadda saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya, waxaana  dowladda Soomaaliya ay taageerada Carabta ay heshay markii dhexdhexaad ka noqotay khilaafkii wadamada Khaliijka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in cadaadis badan ay dareemeen markii go’aankii dhexdhexaadnimada ay ka qaateen khilaafkii u dhaxeeyay wadamada Khaliijka, kaasi oo dibadda kaga imaanayay.

Waxaa muuqata inay yaraatay saameynta Imaaraatka Carabta uu ku lahaa gayiga Soomaaliya, tan iyo waxii ka dambeeyay markii ay Muqdisho ka rarteen xarumahoodii ay ku tababari jireen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qatar ayaa horey dowladda Soomaaliya ugu deeqday gaadiidka lagu daabulo dadweynaha, kaasi oo lagu wareejiyay dowladda Hoose ee Xamar, waxaana loo qeybiyay degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News