Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar oo caan ku ah tacabka Bariiska dalka ayaa lagu tijaabiyay nooc cusub oo wali aan horey looga beeran jirin beeraha magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Bariiska ka bixi jiray magaalada Jowhar ayaa ahaa nooca loo yaqaano Dalka (Bariis Cad), laakiin waxaa hadda la bilaabay in lagu tijaabiyo bariis iib ahaan dalka dibadiisa looga keeni jiray.
Khabiiro ku xeeldheer arrimaha beeraha iyo iskaashatada beeralayda gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa tijaabadaasi ka sameeyay beeraha magaalada Jowhar, waxaana lagu guuleystay tijaabadaasi.
Qaar kamid ah iskaashatada Beeraleyda Shabeelaha Dhexe ayaa Caasimadda Online u sheegay inay doonayaan inay soo saaraan bariis badan oo looga maarmi karo kan dibadda laga keeno.
Bariiska laga keeno dibadda ayaa kamid ah cunadda joogtada ee Soomaalida ku sugan gudaha dalka, waxaana laga keenaa wadamo kala duwan iyadoo ay ugu badan yihiin wadamada carabta.
Maamulka Shabeelaha Dhexe iyo kan Hirshabeelle ayay ka dalbadeen inay ka helaan dhiiri gelin kor u qaadi karta wax soo saarkooda, waxaana sidoo kale ay fariin u direen wasaaradda beeraha ee xukuumadda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

