29.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

“Shidaalka Somalia waa la soo saarayaa balse waxaan ka digayaa arrin muhiima”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah aqoonyahanada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ayaa siyaabooyin kala duwan kaga hadlay arrimaha Shidaalka Soomaaliya iyo soo saaristeeda.

Danjire Maxamed Axmed Caalim oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed, oo aad kaga hadla arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay Shidaalka Soomaaliya iyo shirkii dhawaan ka dhacay magaalada London.

Danjire Caalim, ayaa sheegay inay aad kaga walaacsan yihiin in Kheyraadka Soomaaliya gaar ahaan shidaalka lala wareego iyadoo shirkado gaar ah ay heli karaan sharciyo ay kula wareegi karaan Shidaalka.

Wuxuu sheegay in Aqoonyahanada iyo ruux kasta oo Soomaaliyeed uu ku faraxsan yahay in dalka Soomaaliya uu yeesho Shidaal, islamarkaana sida muuqata in dhawaan lasoo saari karo shidaalkaasi.

Wuxuu ka digay in sida ku dhacday dalal badan in lagala wareeggay kheyraadkooda iyadoo waliba dalalkaasi ay colaado ka jirto, sidaasi si lamid ahna ay ka digayaan in lala wareego Shidaalka iyo Kheyraadka dalkeena.

Shidaalka Soomaaliya ayuu sheegay inuu u muuqdo mid waqti dhow lasoo saari doono, balse loo baahan yahay in laga fakaro sharciyadda shidaalka iyo sida loo wada ilaalin karo kheyraadka dalka.

Shirkadda Sahmisay shidaalka ee dhawaan bandhiga ku sameysay magaalada London ayaa ogolaanshaha sahminta Shidaalka waxay ka heshay dowladdii ka horeysay tan hadda Dhisan ee madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News