25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Weerar caawa ka dhacay bar kontorool oo ku taal bartamaha Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox hubeysan oo saarnaa mooto bajaaj ayaa la sheegay in caawa ay bam gacmeed ay ku weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in mootada ay ka timid dhanka waddada Boondheere, waxaa ayna ku sii jeedeen isgooska Afarta jardiin ee Magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay 4 qof ayaa ku dhaawacantay, kuwaasi oo isugu jira labo askari iyo labo ruux oo shacab ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xilliga Bam gacmeedka lagu weeraray ciidamada uu isgoyska aad u mashquul badna, kuna sugnaayeen shacab iyo baabuur badan.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca bam gacmeedyo lagu weeraro fariisamaha ay ku sugan yihiin askarta ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News