Tallaabadii uu qaaday Abiy oo caddeysay dagaalka uu ku hayo Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan magacaabay guddiga xallinta khilaafaadka xudduudaha iyo dib-u-heshiisiinta ee dalka, ayaa 41 xubnood oo gudigaas ka kooban yahay Soomaalida ka siiyey 1 xubin oo keliya, halka Tigreega laga siiyey 12 xubnood.

Xubinta Soomaalida la siiyey waa gabadh dhalinyaro ah oo hooyadeed Oromo tahay taas oo aan wax badan kala socon khilaafaadka Soomaalida  iyo Oromada, arrimaha xuduudka iyo qaddiyadaha la isku hayo.

Xubnaha guddigaas ee dhanka diimaha waxa uu ra’iisul wasaare Abiy ku soo daray baadariyaasha madaahibta Kiristaanka oo dhan, halka Culimada Soomaalida aan waxba lagaga darin oo doorkii Islaamka la siiyey wadaaddo oromo ah.

Arrintan ayaa la leeyahay in looga goleeyahay in dhulka lagu muransan yahay Oromadu qaadato, maadaama aan Soomaalidu miiska wada hadalka iyo dib-u-heshiisiinta joogin.

Dawlad deegaanka Soomaalida iyo Madaxweyne Cagjar ayaa iyagu ka aamusan arrimahaan, waxaana shaki laga muujiyey waxa uu Madaxweyne Mustafe Cagjar ka aamisanyahay dhulka lagu muransan yahay.

Aqoonyahan Faysal Rooble oo ah qoraa ka faallooda siyaasada Geeska Afrika ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay waxa ay arrintan ka dhigan tahay iyo inay caddeyn u tahay dagaalka uu Abiy ku hayo Soomaalida

Hoos ka dhegayso wareysiga

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com