26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mareykanka oo shaaciyey lacag cusub oo lagu talo-galay dhaqaalaha Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday lacag dhan 74 milyan oo dollar oo cusub oo lagu taageerayo kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Mareykanka waxay ku faraxsan tahay inay taageerto dadka iyo dowladda Soomaaliya ayaga oo raadinaya inay abuuraan mustaqbal wanaagsan, oo ay ku jirto horumar dhaqaale iyo shaqo abuuris.”

Ayada oo taas laga duulayo, ayaa dowladda Mareykanka waxay sheegtay in 74 milyan oo dollar ay ku maal-gelineyso barnaamij shaqo abuur iyo dhaqaale kobcin ah.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa toddobaadkan booqday shirkado Soomaaliyeed iyo maalkiilayaal ka faa’iidaysanaya taageerada Mareykanka ee lagu bixinayo barnaamijka USAID GEEL.

“Dowladda Mareykanka waa ay soo laabatay, waxayna ku faraxsan tahay inay inay taageero dhaqdhaqaaqyada shaqo abuurista Soomaaliya” ayuu yiri.

“Waxaan ku faraxsannahay inaan maqalno in Soomaaliya ay u furan tahay ganacsi ayada oo loo marayao barnaamijka USAID GEEL”

Shirkadaha Soomaalida ee la sheegay inay horey uga faa’iideysteen si guul ahna uga miro-dhaliyeen taageerada Mareykanka ee barnaamijka USAID GEEL, waxaa ka mid ah Habo Tuna Canning Factory, Horn Gardens, MicroDahab, Somfresh, Irmaan Dairy, Beder, iyo Sommilk.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News