27.2 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Deni oo wasaarad cusub kusoo kordhiyey golahiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa golaha wasiirada ee Puntland kusoo kordhiyay wasaaraddii Tamarta,Macdanta iyo biyaha ee Puntland.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa lagu shaaciyay in ujeedada loosoo kordhiyay wasaaradda ay tahay baahi loo qabo, waxaana dhawaan la shaacin doonaan shaqsiga qaban doono wasaaraddan.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan soo dhisay golahiisa wasiirada oo helay codka kalsoonida baarlamaanka, waxaana laga sugayaa inay dhaqan geliyaan balanqaadyadii uu sameeyay intii uu ku gudo jiray ololahiisii doorashada.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News