Mushaharka ciidamada ka maqan – Astaan kale oo ifineysa xaqiiqda Farmaajo

Marba marka kasii danbeysa waxaa abuurmaya dal-daloollo hor leh oo ifinaya in dhammaan ballamihii uu madaxweyne Farmaajo ku soo galay doorashadii uu ku hantiyay hoggaanka dalka aysan u muuqan karin kuwo hir-galaya.

Balse marka laga hadlayo bixinta mushaharka ciidanka xoogga, qofna lama aheyn inay kasoo yeeri doonto cabasho danbe. Labadii sannadood ee lasoo dhaafay, waxaa laga reystay maqalka mushahar la’aanta ciidanka, dowladduna waxay si lagu faani karo ugu guuleysatay inay bixiso mushaharaadka ciidamada.

Dowladdu waxay labada sannadood ee lasoo dhaafay u muuqatay mid xil weyn iska saareysa bixinta xuquuqaadka ‘mushaharka’ ciidamada. Waxayna u laheyd mudnaanta labaad kaddib shaqaalaha rayidka dowladda.

Hayeeshe, siinta mushahar aan awalba aheyn mid ku filan Daljirka ku jira Xoogga Dalka oo aan dhameyn 200$, in haddana aysan helin xuquuqaadkooda muddo ka badan afar bilood waxay dib u cunaysaa sharaftii iyo sumcaddii ay abuuratay xukuumaddaa hadda jirta.

Hadda hadba sidii loo tix-raacayay waxa ka hir-galaya ballamihii Farmaajo, waxay ugu danbeyn taagan tahay lunsiga xuquuqda ciidanka xoogga.

Bixinta mushaharka ciidmada iyo sugidda amnigu ma ahan oo kaliya arrin la xiriirta gudasho waajibaad iyo oofin xuquuqaad. Waxay sidoo kale ka dhigan tahay rumeynta ballamaha u muuqda marin-habaabinta oo inta badan madaxda qaranka ay kusoo galaan doorashada, balse ay ka indha-duwdaan marka ay xilka ku fariistaan.

Iyada oo ka jawaabaysa cabashadooda, xukuumaddu waxay sheegtay in gadoodka ay wadaan ciidamada uusan la xiriirin dhammaan ciidamada xoogga, balse ay yihiin tiro yar oo  sabab farsamo awgeed u heli waayay mushaharkooda. Dabcan, waa Ayaan-darro in xukuumadda oo saddex sano jirsanaysa ay qiil ka dhigato diiwaan-gelin la’aan iyo cillad kale.

Hadda oo ciidamada xoogga ay cabashadooda ku muujiyeen isku soo bax iyo banneynta xeryahooda sal-dhigyada u ah, waa muhiim inaan kaliya lagu sababin in yar oo hoo-ku-dhimo ah, balse loo hubiyaa inay heli doonaan xuquuqdooda. Taasina waa in loo maraa hab kasta oo lagu xaqiijin karo.

Dad badan ayaa qaba in qeyb kamid ah qoondada mushaharka ciidamada loo weeciyay ku qabsashada howlo kale oo shaqsiyadeed sida diyaar-garowga ol’olaha doorashada soo aadan. Sansaanta muuqatana waxay u eg tahay inay xoojinayso tuhunkaas.

Si kastaba, dowladda oo awalba la daala-dhacaysay musuq hareeyey waaxyaheeda iyo jiritaan la’aan halbeeg sugan oo lagu xaqiijiyo fulinta iyo hubinta in sidii la rabay ay shaqaaluhu u helaan xuquuqdooda, inaan wax laga qaban cabashada ciidamada waxay dowladda oo u muuqatay mid aad loogu hanweynaa bilowgeeda waxay qaadi doontaa isla tabtii ay ku baxeen dowladihii ka horeeyey.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid