War ka cusub khilaafkii ka dhex taagnaa DP World iyo ganacsatada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Murankii mudooyinkii u dambeeyay u dhaxeeyay Ganacsatada Somaliland iyo Shirkada DP WORLD ayaa lasoo af-jaray kadib markii Ganacsatadu ay Kulan la qaateen Madaxweyne Muuse Biixi, oo ay uga xog-warameen cabashada ay DP WORLD ka qabaan.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa Caasimada Online faahfaahin dheeri ah ka siiyey wixi ay Madaxweyne Biixi isku af-garteen.

“Howshaasi waxa ay keentay in muddo 5-cisho ah ay taagnaato dhaq-dhaqaaqi ama shaqadii ka socotay dekeda Berbera oo aan ganacsatadu waxba kala soo bixin, arrintaa markii Madaxweynaha Somaliland oo socdaal shaqo sidii aad ogeydeen ugu maqnaa Imaaraatka uu yimid oo uu maqlay codsigayagii ahaa in aanu la kulano , runtii isla markii warkayagu uu gaadhayba waa nagala aqbalay, Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi taas aad iyo aad ban ugu mahad-naqeynaa, shir buu noo qabtay isaga iyo wasiiradiisi, ayaa shalayto casarkii kulanay, runtii wakhti badan baa isku qadanay, si wanaagsan oo sidii dhaqanka inoo aheyd ah oo saraaxiya oo ah mid aanu gees uwada jeedno ayaanu kuwada hadalnay, dano badan oo dalka guud ahaan u wanaagsan oo khuseeyana wanu kawada hadalnay, dhamaantoodna falilaahi-xamdu waanu isku af-garanay arrinkii aan iskugu tagnay, shaqadiina saaka wey bilaabatay oo waa ay furantay” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta ganacsigu.

Guddoomiye Jamaal Caydiid ayaa waxa kale oo uu Caasimada Online u sheegay inay sidoo kale xal ka gaadheen oo ay ka heshiiyeen cabashadii Shirkadda DP WORLD ay ka cabaneysay hoos udhaca ku yimaada safarka lacagta Shilling-ka.

Geesta kale Saaraakiisha sar-sare ee Wasaarada Maaliyada ayaa iyaguna kulan la qaatay ganacsatada, Caasimada Online ayaa isku dayday in ay wax ka weydiiso kulankaasi Wasiirka maaliyada Dr.Sacad Cali Shire, balse uu ka gaabsaday wasiirku in uu wax faahhfaahina naga siiyo kulankaas. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com