Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo ku heshiiyey inay ka hor-tagaan qorshaha DF

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), iyo Madaxda Xukuumaddda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa si-wadajir ah u shir Guddoomiyay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wasiirada waxaana laga soo saaray qodobo ay kamid yihiin cambaareynta diyaar-garowga doorasho oo ay DF-ka ka wado degaanada Galmudug.

Waxay ahayd xaalad aan maalmahan la filayn in Sheekh Shaakir iyo Xaaf isku aragti ka noqdaan doorashada Galmudug in la qabto dhamaadka 2021-ka. Dad badan ayaa aaminsanaa in Ahlusunnadii ku biirtay Galmudug ay heshiis hoose la galeen Madaxda Dowladda Soomaaliya, Xaaf-na uu ku jiro xaalad go’doon oo gaar ah.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugnaa wafdi ka socda Saraakiishii hore ee Ahlusunna iyo Macalim Maxamuud oo ah hogaamiyaha ugu sarreeya Ahlusunna kuwaas oo dhowaanahaan wadahadal kula jiray DF-ka ah ee Soomaaliya. Xildhibaano iyo Siyaasiin ayaa sheegay in uu jiray is faham dhaxmaray Dowladda iyo Macalim Maxamuud taasina ay aheyd dhabar jab soo wajahay Madaxweyne Xaaf balse waxay u muuqataa in aysan sidaasi u dhicin.

“In Xaaf iyo Sheekh Shaakir isku raacaan in doorashada Galmudug la qabto 6/12/2021, waxay muujineysaa in uu fashil ku soo dhamaaday wadahadalka Farmaajo iyo Macalim Maxamuud hogaamiyaha Ahlusunna”, sidaas waxaa Caasimadda Online u sheegay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug.

“Xaqiiqada jirta ayaa ah, in doorashada Galmudug ay dhacayso bartamaha sanadkaan, balse waxaa ii muuqato caqabado ku hor gudban”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan-kaan katirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online.

Macalim Maxamuud oo ah ninka ugu sarreeyo Ahlusunna iyo DFS ayaa kawada hadlay Arimaha Galmudug waxaana Macalimka ku doodayay in Wasiir looga dhigo Wiilkiisa si markaas DF-ka ay Ahlusunnadii ku biirtay Galmudug uga taageerto doorasho bartamaha sanadkaan laga qabto degaanada maamulkaasi.

DF-ka ayaa mar isku day’day in ay sameyso isku shaadhayna Golaha Wasiirada ah islmarkaana uu ka soo dhax-muuqdo Cabdisamad Macali Maxamuud sidii ballanta aheyd walina ma dhicin isku shaadhayntaasi. Lama oga in Dowladda Soomaaliya ay oofin doonto sharuudaha Macalim Maxamuud si ay garab uga hesho Ahlusunnadii ku biirtay Galmudug, hadii ay sidaasi dhacdo Dowladda Soomaaliya waxaa u fududaan doonto in ay meesha ka saarto Madaxweyne Xaaf oo dagaal culus kala dhaxeeyo.

Tani waxay u muuqaata in Xaaf iyo Sheekh Shaakir iyo Macalim Maxamuud oo dhabarka dambe jooga ay heshiis ka yihiin in sidaan ay wax ku sii socdaan hadii aysan Dowladda Soomaaliya la imaanin isbadal kale oo ay ku wajahayso Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com