26.4 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sawirro: Somalia iyo Turkey oo kala saxiixday heshiis cusub oo taariikhi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa mar kale maanta heshiis muhiim ah ku kala saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta la saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu oo ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho.

Heshiiskan ayaa macnihiis yahay in labada dhul ee ku kala yaalla labada magaalo uu dalba midka kale kiisa yeesho. Arrintan ayaa ah mid caadi ah oo inta badan dalalka caalamka ay sameeyaan.

Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah.

Turkiga waa dalka ugu weyn ee taageerada siiya Soomaaliya, waxaana uu dalka ka fuliyey mashaariic waa weyn, sida garoon diyaaradeed, isbitaallo, waddooyin iyo goobo waxbarasho.


Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News