Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay hor kacayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Amniga Mohamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane C/raxmaan Kulmiye Xirsi, Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo xubno kale.
Safarka Madaxweynaha Jubaland ee Muqdisho waxaa uu la xiriiraa safarkii uu dhawaan Magaalada Kismaayo ku tagay Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Axmed Madoobe ayaa waxaa uu Magaalada Muqdisho kula kulmayaa Madaxweynaha iyo ra’isal wasaaraha Soomaaliya, waxaana sida la sheegay loogu wacay in lagala hadlo doorashada Jubaland ee dhaceysa Bisha August ee sanadkan.
Golaha Baarlamaanka Maamulka Jubaland ayaa shalay meel mariyay guddiga xudduudaha iyo doorashada Jubaland oo uu magacaabay Axmed Madoobe.
Waxaa kale oo jira warar la xiriira in iyana laga hadlayo shirkii dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee lagu ballamay in 20-kii bishan uu ka furmo Magaalada Garowe, kaas oo dib u dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]




