27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee Farmaajo oo mushaar la’aan darteed loo dhaawacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada Villa Somaliya, waxaa maanta la dhaawacay Taliyahii Ciidamada Gaarka ah ee ilaaliya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taliyaha oo Magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Dabagaale, isla markaasna ahaa Taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee Madaxtooyada .

Dhaawaca ayaa yimid kadib markii ay Taliyaha murmeen askari ka tirsan  Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo Taliyaha ku eedeeyey inuu lunsaday Mushaarkiisa.

Sida la xaqiijiyey, murankaan ayaa yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu, hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Taliyaha.

Askarigii dhaawaca geysatay ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana Taliyaha loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana weli la xaqiijin karin xaaladda Caafimaad ee Taliyaha iyo sida uu yahay dhaawiciisa.

Ciidanka gaar ah ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wax mushaar ah qaadan labadii bil ee ugu dambeysay.

Sidoo kale, shaqaalaha Madaxtooyada ayaan iyagana mushaar aan qaadan ku dhawaad 4 bil, waxayna arrintaan ka dhalan karta halis amni oo intan kasii badan

Arrintaan Maanta ka dhacday Madaxtooyada ayaa kusoo aadeyso xilli ay gadoodsan yihiin Ciidamada Militari Soomaaliya oo isaga soo baxay fariisihimii ay ku lahaayeen qeybo kamid ah Shabeelada Dhexe markii ay sheegeyn inaysan mushaar helin 4 bil.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

- Advertisement -

Read more

Local News