Banaanbaxaan oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin sarsare oo dowlada ka tirsan ayaa maanta ka dhacay deerta nabbada ee Degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid ayaa goob jooga ahaa banaanbaxa,waxaana sidoo kale ka qeyb galay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga,gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan.
Ujeedada banaanbaxa maanta ayaa ahaa mid lagu taageerayay aqoonsigii maalintii jimcaha ay ku dhawaaqday Hillary Clinton oo ahaa in dowlada Maraykanka ay dowlad rasmi ah u aqoonsatay dowlada Soomaaliya.
Maxamud Axmed Nuur Tarzan gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duwa magaalada Muqdisho ayaa hadal uu ka jeediyay goobta wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu soo dhaweynayo hadalka kasoo yeeray dowlada Maraykanka ee aqoonsiga Dowlada Soomaaliya.
C.kariin Xuseen Guuleed,wasiirka arimaha gudaha oo goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya iyo shacabka isku soo baxay ay muujinayaan sida uu yahay dareenkooda ku aadan soo dhaweynta hadalka dowlada Maraykanka.
Ugu dambeyn waxaa hadalka qaatay wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon Saacid,isagoo u mahad celiyay dhamaan shacabkii ka qeyb galay banaanbaxa iyo dowlada Maraykanka oo aqoonsiga siisay dowlada Soomaaliya.