Riyadh (Caasimada Online) Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Riyadh ee xarunta dalka Sacuudiga ka furmaya shir ay lee yihiin waddamada Carabta.
Wax yaabaha meesha sare shirka kaga jira waxa ka mid ah arrimaha Soomaaliya.
Soomaaliya waxa shirkan uga qaybgalaya wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan ayaa waxa looga hadli doonaa horrumarinta dhaqaalaha waddamada carabta, waxana shirka maanta yeelan doona madaxda waddamada carabta.
Waxana lagu wadaa in shirkan lagu soo bandhigo siddii maalgashi waddamada carabta ugu sameesan lahaayeen waddanka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa leh xoolo badan, bad dheer iyo beero ballaaran kuwaasoo loo sheegi doono waddamada carabta in ay maalgashi ku sameestaan.
Shirkan waxa ka horreeyay shir kale oo isna shaley ka dhacay Riyadh kaasoo ay yeesheen wasiirada maaliyadda waddamada carabta.
Soomaaliya waxa shirkaas uga qaybgalay wasiirka maaliyadda Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda.
Shirka maanta galinka dambe ka furmaya Riyadh waxa looga hadli doon aqoonsiga Maraykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa u dhoofisa waddamada carabta xoolo badan kuwaasoo laga qaado dekedaha waaweyn ee dalka.
Shirkan ayaa socon doona labo berri oo kala ah maanta iyo berri.
Shirkan waa kii seddaxaad ee la qabto, wax aka horreeyay labo shir oo ka dhacay Kuwait iyo Masar , waa shir labadii sano mar qabto, waxana inta badan looga hadlaa siddii loo horrumarin lahaa dhaqaalaha iyo bulshadda waddamada Carabta.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Khaliijka.