Fiqi oo shaaciyay goorta la qaadi doono xayraada hubka ee Somalia

Muqidisho (Caasimada Online) Wasiirka gaashandhigga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in bisha March ay filayaan siddii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabteenta xagga hubka ee saaran.

Wasiirka Cabdikariin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa wareysi uu siiyay VOA-da waxa uu sheegay in Soomaaliya hadda ay lee dahay dowlad rasmi ah, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga qaado xayiraada xagga hubka ee saaran Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in shir ka dhici doona xarunta golaha ammaanka QM bisha March looga hadli doono siddii dib loogu eegi lahaa xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Wasiirka oo shaley ku soo laabtay Muqdisho kaddib markii uu ka soo qaybgalay shir ka dhacay dalka Turkiga oo  looga hadlayay dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka waxa kaloo uu sheegay in seddaxda sano ee soo socda dowladda Soomaaliya ay dib u dhis xooggan ay ku sameen doonaan ciidamada dowladda, isla markaana wiixii xilligaas ka dambeeya laga maarmi doono ciidanka AMISOM oo hadda ay ku tiirsan tahay dowladda.

Dhinaca kale wasiirka wuxuu sheegay in shirka ka dhacay Turkiga la isku afgartay taageeridda dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ka qeyb-qaadashada dib u dhiska iyo xoojinta ciidanka Soomaaliya.

Turkiga wuxuu dhowaan la saxiixday heshiis dowladda Soomaaliya, kaasoo la xiriira iskaashiga tababarrada, farsamada iyo sayniska ee dhinaca milateriga.

Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii 1991-dii waxaa saarnaa xayiraad xagga hubka kaddib markii QM ay sheegtay in hubka lageynayo Soomaaliya uu ka qayb qaato dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Wixii xilligaas ka dambeeyay golaha ammaanka QM dhowr jeer ayay dib u cusbooneesiin ku sameeyeen xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya.

Dowladihii ku-meel-gaarka ee dalka Soomaray dhowr jeer ayey codsadeen in laga qaado xayiraada laakin arrintaas waa laga diiday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho