Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaar kamid ah Hooyooyinka dhalay Carruurta ay ka geeriyoodayn Ciidamada Booliiska Soomaaliya kuwaas oo loo yaqaano, Carruurta agoonta Booliiska, ayaa maanta banaanbax ka dhigay Madaxtooyada Soomaaliya horteeda.
Waalidiintaan ayaa ka cabanyay in aysan dhowr bilood qaadan lacagtii ay xaqa u lahaayeen Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya, sidoo kalane looga baxay ballamo badan oo ay la galayn DF-ka Soomaaliya.
Waalidiintaan ayaa hor jiiftay Albaabka Madaxtooyada waxayna diidayn in Villa Somalia la galo ama laga soo baxo ilaa ay Dowladda Soomaaliya ka bixiso Xaquuqda Carruurta agoonta Booliiska Soomaaliya.
Haweenkan ayaa ku cabanaya inaysan haysan wax ay siiyaan carruurtooda, maadaama muddo afar bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah sida ay hadalka u dhigeen.
Madaxda dowladda ayeey sheegeen inay ka codsanayaan in si deg deg ah carruurtooda waxa ay cuni lahaayeen loogu soo dhiibo, maadaama aabayashooda ay ku nafwaayen u dagaalamida Qaranka.
Dowladda Somaliya ayaa maalmahan dambe waxaa ku furan mowjado Siyaasadeed & mid amni oo la xiriirta Mushaaraadka Ciidanka ee maalmahan dambe ka cabanayeen.
Ciidamo badan ayaa isaga soo baxay jiidda hore ee dagaalka markii ay sheegeyn inay waayeen Raashinkii ay cuni lahaayeen iskaba daay mushaarkooda oo ka maqan 4 Bil.
Halkaan hoose ka daawo Hooyooyinka oo ka hadlayo mushaarka ka maqan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

